Da’da Dumarku Ay Ku Dhalmo Daayaan Ma La Kordhin Karaa? – Tijaabooyin Caafimaad

0
187

London, September 17, 2020- (Foore)- Waxaa aad loogu riyaaqay teknooloojiyadda casriga ah ee qaabilsan xallinta arrimaha taranka. Haweenka waxaa hadda suurogal ah in ay uur qaadaan ama ay dhalaanba iyaga oo dhaafay da’da dhalmada marka loo eego dumarkii hore, balse sidey macquul u tahay in teknooloojiyaddu ay ka qeyb qaadato ilaalinta dhalmada?. Dagan Wells, oo ah Barfasoor ka tirsan kulliyadda arrimaha taranka ee jaamacadda Oxford, ayaa sheegay in heerka dhalmada haweenka uu hoos u dhaco laga billaabo da’da 35, taasina ay tahay “Mid kamid ah farqiyada ugu waaweyn ee u dhaxeeya ragga iyo dumarka, iyo sinnaan la’aan”. Sidoo kale, wuxuu hoos u dhac ku yimaadaa awoodda taranka ee ragga marka ay da’ noqdaan balse hoos u dhacooda dhanka taranka wuxuu billowdaa xilli dambe marka loo barbardhigo haweenka. Taranka ragga wuxuu hoos u dhac ku yimaadaa laga billaabo da’da 40 ilaa 45 jir.

Kumannaan sano oo lasoo dhaafay, haweenka waxay ahaayeen kuwo ku dhala 20 sano ama wixii ka yarba. Warbixin lasoo saaray sanadkii 2017-kii ayaa lagu sheegay in isku celcelis ahaan tirada haweenka ku nool dalalka la isku yiraahdo OECD ay ku dhalaan da’da 30. Warbixintu waxay muujineysaa in boqolkiiba 44 haweenka ku nool England iyo Wales ay ku dhalaan da’daas halka Kuuriyada Koonfureed ay isku celcelis ahaan tirada haweenka ku nool halkaas ku dhalaan da’da 31. Muddo tobonaan sano ah, seynisyahannada waxay la xiriirinayeen hoos u dhaca ku yimaada dhalmada haweenka inay ugu wacan tahay tirada ugxaanta oo hoos u dhacda. Taasi waxay ka dhigan tahay in marka ay haweeneyda da’ sii noqoneyso ay hoos u dhacayaan tirada ugxanteeda. Haweeneyda marka ay dhalataba waxay leedahay malyan ugxaan ah. Marka ay qaan gaarto waxaa u soo haraya 300,000 oo ugxaan ah. Marka ay gaarto 37 jir waxaa usoo hara 25,000 ugxaan ah, halka xilliga ay 51 jir yihiin ay lahaadaan 1,000 ugxaan ah, waxaana markaas fal-galid diyaar noqda 300 ilaa 400 ugxaan. Bil kasta hal ugxan ayaa ku dhaceysa ilmo galeenka ama diyaar u ah in ilmo ay ka sameysmaan, lamana oga sababta ka dambeys arrintaas, dhammaan ugxanta kalena wey dhimanayaan.

Inta badan haweenka waxay caadada ugu dhacdaa da’da 9 ilaa 13 jir balse ilma galeenkooda masoo daayo wax ugxan ah kaddib hal sano ama labo sano marka uu ku dhaco dhiigga caadada ee ugu horreeya. Waxaa sidoo kale jiri kara caddeymo muujinaya in tirada ugxanta haweenka ay hoos u dhacdo marka ay gaaraan da’da 33. In ta badan dumarka waxay dhalmo daayaan siddeed sano ka hor xilliga dhalmo deyska haweenka. Waxaa lagu ogaan karaa tirada ugxanta in baaritaan lagu sameeyo heerka nooca hormoonada ee loo yaqaano AMH ee dhiigga. Hormoonnadan ayaa kaalin weyn ka ciyaara kobaca unugyada ugxanta taranka ee ka qeyb qaata sameynta ilmaha. Heerka hormoonnadan ee dhiigga ayaa hoos u dhaca marka uu is dhimo heerka taranka ee haweenka.

Andrea Gorysekova, oo ka tirsan Isbitaalka Mount Sinai ee dalka Canada, isla markaana qaabilsan arrimaha hooyada iyo dhallaanka, in muddo ahna baareysay sida looga hortagi karo hoos u dhaca ku yimaada heerka taranka ee haweenka oo ay sababto da’da, ayaa sheegtay in arrintaas ay sabab u tahay in haweenka ay la daalaa dhacayaan dhibaatooyin sida wewel iyo saameynta kiimikada ay ku reebto jirkooda.

Inkasta oo ay adagtahay in la qiimeeyo tayada ugxanta, waxay warbixinta muujineysaa tayada hidde sidaha ee ku jirta ugxan kasta. Dagan Wells wuxuu sheegayaa in dhibaatooyinka ku habsada hidde sidaha ugxanta ay yihiin kuwo iska caadi ahbalse sidoo kale haweenka da’da yar ugxantooda ay lasoo darsaan dhibaatooyin dhanka hidde sidaha ah, inkastoo dhibaatadaas ay yar tahay isla markaana ay sare u kici karto marka uu qofka da’ noqdo.

Wells wuxuu sidoo kale sheegay in inta badan haweenka ay lumiyaan awoodda dhalmada marka ay gaaraan 45 jir, markaasoo ah sanado ka hor xilligga dhalmo baxa haweenka.

Daraasado qaar waxay muujinayaan in tayada shahwada ragga ay hoos u dhac billowdo marka ay sii weynaanayaan laga billaabo da’da labaatameeyada. Daraasadda ayaa sidoo kale muujineysa in boqolkiiba 0.7 xawaaraha shahwada ragga ay ku gaari karto jirka ay hoos u dhacdo sanad kasta.

“Ugxanta waa unugyo gaar ah oo ay ku jiraan maaddooyin gaar ah,” ayuu yidhi Wells. “Ugxanta waxay leedahay awood ay hakad ku geliso kobaceeda, muddo sanado ah ayayna shaqada joojin kartaa iyo sidoo kale inta uu kasoo deynayo ilmo galeenka xilligga u diyaargarowga uurka,

Daraasadda uu sameeyay Wells waxay dhanka kale sheegeysa in awoodda ugxanta ay cunug ku noqon karto ay ku xiran tahay awoodda ah inay xajisan karto hidde sidaheeda xilliga ugxanta ay ku jirto shaqo ka fariisad.

Andrea Gorysekova, oo ka tirsan Isbitaalka Mount Sinai ee dalka Canada, waxay sheegeysa in tayada ugxanta ay ku xiran tahay deegaanka iyo xaaladda caafimaad ee haweenka xilliga kobaca ugxanta, sidoo kale welwelka iyo kIimikada ayaa saameyn ku yeelan karta ugxanta.

Dhibatooyinka lasoo darso haweenka marka ay da’ noqdaan oo kaliya ma ahan in saameyn ay ku yeelato dhalmada, balse waxaa lasoo dersaa caafimaad darro xilliga ay uurka leeyihiin ama ay dhalayaanba.

Daraasad laga sameeyay Mareykanka ayaa muujineysa in haweenka da’doodu ka sarreyso 40 ay la daalaa dhacayaan caafimaad darro marka ay uurka yihiin sida xanuunnada sokorta iyo dhiig karka.

Haweenka 40 jirka ah ee dhala canugooda ugu horreeya, waxay boqolkiiba 50 halis ugu jiraan inay dhalaan canug xilliggiisa kasoo hormara, oo xaalaad caafimaad darro ah ku dhasha.

Waxaa hadda si xowli ah u socda dadaallo la doonayo in wax looga qabto da’da dhalmo deyska haweenka oo la isku dayayo in la kordhiyo, tusaale ahaan, haweeney 74 jir ah oo u dhalatay Hindiya ayaa dhashay labo canug oo mataano ah kaddib markii muddo 57 sano ah ay qalliin mareysay si wax looga qabto dhibaatada heysatay. Haweeneydan, oo saddex sano ka hor ilmaha dhashay, labo jeer ayaa lagu guuldareystay in xaaladdeeda wax laga qabto.

Horumarrada laga gaaray daweynta taranka tobonaankii sano ee lasoo dhaafay waxay ka qeyb qaateen sare u qaadidda badqabka, guulaha la gaaray iyo qiimaha jaban ee ku saabsan teknooloojiyadda qaabilsan taranka.

Sanadkii 2014-kii, waxaa soo baxay boqolkiiba 9 hooyooyinka markii ugu horreysay dhala ilmo iyaga oo 35 jir ah balse haatan ku dhawaad 230 carruur ah ayaa waxaa sanadkii dhalaa hooyooyin ka sarreeyo da’da 50. Balse isticmaalka teknooloojiyaddan waxay ku xiran tahay da’da ugxanta, waxaana la isticmaali karaa ugxanta uu qof kale kuugu deeqay. Inta badan xarumaha caafimaadka waxay u oggolaadaan haweenka in ugxantooda ay ku keydiyaan qaboojiye tan iyo inta ay diyaar ka noqoneyso. Tijaabadan ayaa la sugi doonaa natiijadeeda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here