Nin Lagu Eedeeyey Kufsiga Iyo Dilka Gabadhii Fooqa Laga Soo Tuuray Muqdisho Oo La Qabtay

0
585

Muqdisho, September 16, 2020- (Foore)- Taliye ku xigeenka ciidamada Booliiska Waddanka Soomaaliya Marwo  Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay eedeysane lagu tuhmayo inuu lug ku lahaa kufsigii iyo dilkii loo geystay Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo ahayd gabadhii dhallinyarada ahayd ee laga soo tuuray fooqa Muqdusho ku yaalla inta la kufsaday.

Zakiya oo qoraal soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa shaacisay in eedeysanaha oo baxsad ah xalay goor saq-dhexe ah lagu qabtay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale waxa ay magaciisa ku sheegtay Maxamed Ibrahim Cismaan oo 24 sano jir ah, kuna dhashay magaalada Muqdisho.

“Ciidanka Boliiska Galmudug ayaa xalay xili dambe howlgal ay ka fuliyeen magaalada Cadaado ku soo qabtay eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan, 24 jir ah, ku dhashay Muqdisho laguna tuhmaayo inuu ku lug lahaa kiiska marxuumad Xamdi Maxamed Faarax kana baxsaday Xamar falka ka dib.” ayey tidhi Zakiya Xuseen Axmed.

Sidoo kale waxa ay u mahadcelisay ciidamada Booliiska Galmudug ee howlgalka samaayey iyo shacabkii la shaqeeyey ee suura-geliyey in la soo qabto eedeysanaha.

“Waxaa u mahad celineenaa shacabka Galmudug oo ciidanka boliiska ku gacan siiyay soo qabashada eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan oo baxsad ahaa.” ayey markale tidhi Generaal Zakiya.

Waa eedeysanihii 12-aad ee loo xidho dilkii iyo kufsigii loo geystay marxuumad Xamdi oo Jimcihii la soo dhaafay laga soo tuuray dabaq ku yaalla degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here