Xildhibaan Baarlamaanka Soomaaliya Ah Oo Soo Jeedisay In Diinta Islaamka Laga Saaro Dastuurka, Maadaama Oo Ay Jiraan Soomaali Gaalowday!

0
866

Muqdisho, September 14, 2020- (Foore) – Haweenay lagu magacaanbo Maryan Haaruun  oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo jeedisay arin yaableh oo dareenka Bulshada Soomaaliyeed ee Muslimka ah kicisay taasi oo abuurtay hadal hayn badan iyo cadho xoogleh oo keeni karta inay nafteedu khatar gasho.

Xildhibaan Maryan Haaruun ayaa dood ka socotay Golaha dhexdiisa ayaa waxa ay soo jeedisay in gabi ahaanba Dastuurka Soomaaliya laga saaro Diinta Islaamka iyadoo hadalka u dhigta inay jiraan Dad Soomaali ah oo aan Diinta Islaamka haysan oo ay sheegtay inay qodobada Shuruuda ka dhigay haysashada Diinta islaamka ay caqabad ku tahay dadkaasi, Waxaanay soo jeedisay in Shuruudaha Soomaalinimada uun lagu daayo balse arinta Diinta Islaamka laga tirtiro Dastuurka arintaasi oo ay codsi kaga dalbatay Gole Weynaha ay ka tirsan tahay.

Xildhibaanaddan ayaa waxa ay tidhi iyadoo arimahan ka hadlaysa “Shuruudaha Magaaabista cidda loo magacaabaayo agaasimaha Guud iyo Ku xigeenadda Hay’adda waa inay buuxiyaan Shuruudaha soo socda, 1 – inuu yahay Soomaali Muslim ah, Waxaan u malaynayaa Soomaali 100%  inay Muslim tahay,  waan aaminsanahay waanan nahay, Laakiin waxaa la sheegaa qaar aan ahayn inay jiraan, kuwaan maan kala noqonaynaa Soomaalinimada”

Waxa kale oo ay tidhi “Waxaan dhihi lahaa meeshaasi Muslimku ku taalo “Illaahay iyagana haka dhigo Muslim Buuxa”, laakiin in laga saaro Muslimka ayaan soo jeedin lahaa, mana diidani haddii lagu darayo, laakiin kuwaan Muslimka ahayn aan u ducayno in Illaahay Muslim ka dhigo laakiin Soomaalinimadooda ay taagnaato, taasbaan soo jeedin lahaa”. Ayay tidhi xildhibaanad Maryan  Haaruun

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here