Waa Kuma Macallinka Aan Is Taagin Ee Socda Muddoda Ciyaarta, Gambadh Caag Ahna Ku Fadhiista?

0
812

Kaliya ma ahayn in Marcelo Bielsa uu kusoo laabtay horyaalka Premier League oo uu kulankii ugu horreeyey ee Leeds United muddo 16 sannadood ah ay horyaalka ciyaarto, laakiin sidoo kale, waxa horyaalka Premier League la keenay gambadhka uu ku fadhiisto Marcelo Bielsa oo shalay garoonka Anfield uu la yimid.

Marcelo Bielsa ayay kooxdiisu ciyaar cajiib ahayd shalay kusoo bandhigtay garoonka Anfield, waxaanay xilli dambe ay Livepool u baahatay rikoodhe uu gool u beddelay Mohamed Salah oo saddexda dhibcood ku hoggaamiyey kooxdiisa, laakiin ciyaarta ayaa si guud u ahayd mid ay gacanta sare lahayd Leeds United oo ka yaabisay tababare Jurgen Klopp iyo xiddigihiisa.

Mar kasta oo ay gool dhaliso Liverpool, waxa ka daba keenaysay Leeds, illaa daqiiqaddii 88aad ay la yimaaddeen goolka afraad ee ay guusha ku heleen, iyadoo ciyaartuna ku dhamaatay 4-3.

Inta aan hore u arag Marcelo Bielsa, waxa laga yaabaa in aanay u fiirsanin gambadhkii uu ku fadhiyey, laakiin in kale ayaa jirta oo usoo joogtay dhaqankan oo aanay layaab ku ahayn, laakiin su’aashu waxay tahay muxuu ku falaa ee uu ugu fadhiistaa gamabadhkan diyaaradda la saaro mararka qaarkood ee ciyaar kasta aanu iska reebin Marcelo Bielsa?

Su’aashan waxa ka jawaabay wariyaha ciyaaraha ahna khabiirka reer Spain ee Guillem Balague, waxaana uu faahfaahiyey sababta gambadhkan uu ciyaar walba ugu fadhiisto Marcelo Bielsa, waxaanu yidhi: “Marcelo Bielsa wuxuu lugeeyaa afar mayl oo ah gurigiisa illaa xarunta tababarka. Socodkiisa badan ee waqtiga ciyaaraha iyo xilliga uu is-dejinayo oo uu ku fadhiisto wax u eeg balaastik, waxa uu si joogto ah ugula tacaalaa in dhabar xanuun soo hayey illaa markii uu ciyaartoyga ahaa.”

Mar la weydiiyey waxa uu yahay gabadhka uu ku fadhiisto ayaa uu Marcelo Bielsa ku jawaabay: “Ma waxaad iga doonaysaa waxani waxa uu yahay? Kaliya waa gambadh. Waxa kale oo aan ku daro ma jiraan. Waa gabadh raaxo ah.”

Marcelo Bielsa oo ay da’diisu tahay 65 jir waxa kale oo uu leeyahay dhaqamo yaab leh oo marka kulamada qaarkood laga badiyo uu sameeyo sidii aanu qormooyin hore idiinku soo gudbinay, waxaanu galaa qolka lebbiska ee aan ahayn kan ay ciyaartoydu fadhiistaan, waxaanu iska saaraa dhamaan dharkiisa. Intaas kaddib waxa uu dul jiibsadaa miis uu diyaarsaday oo uu saacad badhkeed illaa hal saac dul jiifo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here