Sallaxlay, September 14, 2020- (Foore)- Suldaanka Guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi ayaa dhaliilo culus u soo jeediyay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo uu ku eedeeyey in uu Madaxweynuhu la soo baxay kalitalisnimo iyo Caga-juglayn uu ku cadbudhinayo shacabka Somaliland sida uu Suldaanku hadalka u dhigay.
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo shalay ka hadlayay Munaasibad lagu qabtay Degmada Sallaxley ee Gobolka Maroodi-jeex ayaa Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu hadalladii ugu adkaa ku dhaliilay nidaamka Maamul ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo Suldaanku sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ay caadaysatay sida uu hadalka u dhigay wax uu ku tilmaamay Cabu-dhin isaga oo si gaar ah Madaxweynaha ugu dhaliilay in uu la soo baxay hab-dhaqan askarinimo sidaana buu aanu ku maamuli Karin dalka iyo dadka, waxaanu Suldaanku Madaxweyne Biixi ugu baaqay in uu dadka isku soo ururiyo oo dadka mideeyo.
Suldaanka oo Arrintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Xukuumadda Somaliland waxay caadaystey cago-juglaynta iyo cabudhinta shacabka, Madaxweynaha waxa kusoo baxdey askarinimadii sidaasna dal ku maamuli kari maayo, madaxweyne Muuse waxaan leeyahay dadka isku soo ururi, la heshii dadku waa dadkaagii” ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi oo hadallo dhaliil iyo dardaaran ah u soo jeediyey Madaxweynaha Somaliland.
Dhinaca kale Suldaan Maxamed Cabdiqaadir waxa uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u soo jeediyay in uu xilka iska wareejiyo maadaama aanu hogaamin karayn dalka oo uu la daalaa dhacayo.
Ma ah markii ugu horraysay ee Suldaanka Guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi uu dhaliilo culus muddooyinkan dambe u soo jeediyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumaddiisa isaga oo toddobaadkii hore sidan oo kale eedo u soo jeediyey Madaxtooyada mar uu ku baaqayay Kulan shir beeleed ah oo uu sheegay in ay isugu iman doonaan qaar ka mid ah Beelaha Somaliland.
Halkan Ka Daawo Hadalka Suldaanka: