Lyudmila Pavlichenko: Marwadii Dhimashada | Mid Ka Mid Ah Haweenka Ku Xardhan Bogaga Taariikhda Dagaalkii Labaad

0
864

Lyudmila Pavlichenko waxay ka mid tahay dadkii ugu shiishka wanaagsanaa ee abid too maray taariikhda caalamka. Waxay gacanteeda ku dishay 309 askari oo jarmal ah, kuwaasoo la xaqiijiyay inay rasaasteeda ku geeriyoodeen wixii ka dambeeyay markii ay ciidamadii Naaziga faragalinta ku sameeyeen Midowgii Soviet sanadkii 1949-kii.

Tobannaan ka mid ah dadkii ay dishay waxay qudhooda ahaayeen shiishleyaal iyada oo kale ah oo uu cadowga lahaa. Badankood waxay madaxa ka toogatay iyagoo isku dayaya inay dilaan lafteeda. Sidaas darteed waxaa gabadhan Rushka u dhalatay lagu naaneysay Marwadii Dhimashada. Raggii shiishka ku dheereeyay ee Naaziga way awoodi waayeen inay dilaan laakiin waxay ku dhaawacantay hoobiye lasoo riday, inkastoo ay dhaawacaas ka kacday.

Markii dambe waa laga soo saaray furintii hore ee dagaalka waxaana lagu daray waaxdii abaabulka dagaalka ee dhinaca Soviet-ka. Iyadoo habkaas u shaqeyneysa ayey ku safartay caalamka, waxayna xitaa la kulantay madaxweynihii Mareykanka Franklin D. Roosevelt. Inkastoo billad dahab ah lagu siiyay geesinimadii ay u sameysay ciidamada Soviet-ka, haddana goor dambe waxaa wax badan laga baddalay taariikhdeedii.

“Waa arrin layaab leh in haweeney shiishka xirfad sare ku lahayd aan si quman loogu sharcin, loona dabaaldagin xasuusteeda,” ayey tidhi Iryna Slavinska, oo ka mid ah dadka u dooda xuquuqda sinnaanta ragga iyo dumarka. Maamulkii Soviet-ka ayey ku dhaliishay inay xusi jireen raggii geesiyaasha ahaa oo kaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here