Hogaamiye Xirsi Oo Madal Uu Goob-Joog Ku Ahaa Madaxweyne Biixi, Mid Mid Farta Ugu Saaray Fashilka Waxqabad Ee Dul Hoganaya!!

0
667

Hargeysa,, September 14, 2020- (Foore)- Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa eedo culus ku hurgifay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ku sugnaa Madasha Hogaamiyuhu eedaha ugu jeediyay waxqabadkiisa isaga oo sheegay in xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi muddodii ay talada dalka haysay ku fashilantay mashraaciidii waaweynee ee ay xukuumaddii ka horraysay ibo furtay kuwaasi oo kala ah dhammays tirka waddooyinka halbawlaha ah ee Burco –Ceerigaabo iyo Mashruuca Berbera Corridor.

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay xafladda qalin jabinta dufcadda 17aad ee Jaamacadda Hargeysa waxa uu Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyey in muddo ka yar Afartan habeen uga hadhsan yihiin sannadkii Afraad muddo xileedkiisa iyaguna intaasi ay u shin tirinayaan dhammaanba gol-daloolooyinka baahsan ee xukuumaddiisa ka muuqatana ay wakhtigeeda la sugayaan balse uu shalay ku koobsaday dhinaca waxbarashada iyo waddooyinka oo xukuumadda joogtaa si weyn ugu fashilantay.

Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu yidhi: “Waxa aan hambalyaynaya dhallinyarada qalinjebinaysa, macalimiintii ku soo dedaashay, maamulkii isku hawlay iyo waalidiintii ku soo tacabtay, waa idiinku hambalyaynaya guusha aad soo gaadheen, waanu idin la faraxsanahay, waxa kale oo aan bogaadinaya waalidiintii idiin soo dhabar adaygtay iyo cid kasta oo idinka kaalmaysay intii ardaydani waxbaranayeen oo sugaysay tacabkooda. Madaxweyne sida ku qoran warbixinaha wasaaraddu soo saarto 36% kaliya ayaa dadkeena waxbarta oo 64% ayaan waxbarasho helin. Boqolkiiba afar iyo lixdan iyaga oo markii horeba inaga dayacmay, dugsiga hoose (Primary) waxa ku qoran in 257000 arday ay galaan, waxa kale oo dugsiga sare (Secondary) ku jira 54000 arday, waxa aad dareemaysa jaamacadaha labaataneeyo kun uun baa soo gaadha, bal qiyaas madaxweyne dalka aad madaxda ka tahay halka ay aqoontiisu marayso, Duniduna waxay ku horumartaa aqoon oo ay isku dhaaftay.

Madaxweyne malaha waad is-macaashiinaysa ee anagu wakhtiga waanu kuu tirinayna oo afartii sanno afartan habeen baa kaa xiga, Manhajka waxbarashadu ma habaysna oo ma midaysna ee manhajyo kala duwan oo dawlado kala duwan leeyihiin ayaa inoo manhaj ah. Muuqaalka ardayda xataa balcadda kama aynu midayn ee nin walba waxa uu doono ayuu u xidhay, kama midaysna saacadaha iyo luuqadaha, kama midaysna dhaqaalaha.

Dhaqaalaha inagaga baxa waxbarashada $16 milyan waxa inaga bixiya ajaanib, marka miisaaniyadeena loo eego wali maynaan gaadhin oo aad waliba ku darteen qorshihii Kulmiye ee aad kursiga ku timid in aad daboolaysan oo dhammaystiraysan dhaqaalihii, hadda qabsoo annagu gaadh baanu kaa hayna oo maad gaadhin, lagaamana hayo”.

“Waxbarashada gaarka loo leeyahay waxay aad uga cawdeen cadaadis la saaray oo ay ka mid tahay ardayga muwaadinka ah ee lacagtiisa wax ku bartay in la yidhaa waxa laga reebaya deeqaha waxbarasho oo ay cabasho arrintaa ku saabsan saxaafadda soo gaadhsiiyaan Dugsiyo boqol kun oo arday gacanta ku haya.

Madaxweyne waxa idiin qornaa in aad tababaraysan macalimiinta oo ka mid ahayd meelaha aad xoogga saarayseen oo xaqiiqo ahaana loo baahan yahay. Bal dib u eeg 2012-kii 12% baan tababarayn waxaana tababar qaatay 88%, halka imika warbixintu sheegayso in 50% tababaran yihiin boqolkiiba konton ka kalena aanay tababarnayn macalimiintii dugsiyada hoose dhexe, halka dugsiga sare 60% tababaran yihiin, halkii aad tidhi hore Ayaan u dhigaya waxa la sugayay in aad 12-ka dhammaystirtee bal dib bay uga dhacday ee madaxweyne isku noqda adiga iyo jeebkaagu.

Madaxweyne Jaamacadaha xad-dhaafka ah ee Sodoneeyo maraya waad garan karaysa 2010 markii aynu imanaynay waxaynu ku baanaynay waxaanu samayn doona Komishanka tacliinta sare oo xakameeya, markaana tobaneeyo ayay ahaayeen (Jaamacaduhu), maanta 27 ama 28 jaamacood bay marayaan, bal qabso oo guddidii tacliinta sare waad magacowday shaqadiina inooma qabsoomin.

Dhinaca kale Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa soo qaatay sida xukuumadda Muuse Biixi ugu fashilantay Mashaariicda waddooyinka waxaanu yidhi: “Madaxweyne wadada Ceerigaabo waxay ahayd mashruuc Somaliland qabsato kii ugu balaadhnaa. Sannadkan bilawgiisii Ayaan gaadhigayga ku soo cabiray, waxa laga yaaba in laguu sheego ama aad lambarro dhegaysato, waxa qorshaysnayd in uu dhammaado 2016-kii, marka 96Km Ayaan dhammaystirnayn oo ah laba meelood meel ahaan iyada oo waliba intii samaysnayd soo gaadhay xilli dayactir lagu sameeyo, tacab badan baa iga galay oo maalin walba waan waraysta, todobaadkan waxay maraysa ku dhawaad 80KM, bal ku darso oo labada sanno ee kuu hadhay waynu tartamayna oo doorashadii baynu gelayna.

Haddada tan aan fogayna waddadan aad cishadii dhawayd furtay 12Km ayaad saddexdii sanno ku dhammayseen, hadda waa wadadii aynaan inagu lacagta bixinayn ee ay bixinayeen Imaaraadku ee BERBERA CORRIDOR, waliba in aynu samaysan kari wayno ama wax inaga xumaadan mushkilad ba ma leh ee farsamo xumada xilligii horena aan ka digay haddana u arko in aanay sax ahayn waxa la qaaday wadadii 60Km oo laga dhigay garoon oo imika waxa ka samaysan 19Km meelaha (12Km iyo 7km oo dhawaan lagu daray), intii kale waa raf malaha madaxweynuhu beryahan Berbera uma bixine waa raf beerku ku cadaanayo, bal qabso madaxweyne mashruucii nooca ahaa ee lacagtiisa la inaga bixinayay isna waa ka halkaa maraya, “Wabilaahi Tawfiiq”” ayuu yidhi Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Dareenkii Ardayda iyo ka qayb galayaasha xafladdii shalay ayaa si weyn ugu sacabo tumay khudbadda Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan taasi oo keentay in Madaxweynuhu kelmado kooban isna ugu jawaabo Masuulkan eedaha u jeediyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here