Washington, September 13, 2020- (Foore)- Mar kasta oo ay soo dhawaato doorashada tartanka Madaxnimo ee dalka Maraykanka ee ay ku loollamaan xisbiyada waaweyn ee Jamhuuriga iyo Dimuquraadigu waxa shaashadaha iyo warbaahinta kale ee caalamka laga arkaa laba astaamood oo aanay dad badani aqoon u lahayn ujeedada dhabta ah ee ka dambaysa.
Waa Astaamaha labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuquraadiga dalka Maraykanka oo ah Dameer iyo Maroodi. Xisbiga Jamhuurigu waxa uu leeyahay oo astaan u ah Maroodi halka xisbiga Dimuquraadugu isna astaan uu jecel yahay uu ka dhigtay Dameer waana astaamo leh ujeeddooyin taariikhi ah iyo baadi-sooc uu mid kastaa gaar u leeyahay oo uu ku faano.
Bal Aynu diiradda saarno macluumaadka iyo qisada taariikhiga ah ee ku duugan ujeeddooyinka ay xambaarsan yihiin labadan astaamood ee xisbiyada dalka Maraykanku.
Halkan Ka Daawo Muuqaalka Warbixintan: