Hargeysa, September 12, 2020- (Foore)- Tababar Muddo laba maalmood ah socday oo ay ka qayb qaateen 15 Hablood oo ka mid ah Hablaha Warbaahinta Somaliland ayaa lagu soo gabo gabeeyey Hoolka shirarka iyo xafladaha ee Dalladda Ururrada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO.
Xafladda xidhitaanka Tababarkan oo ay ka soo qayb galeen Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto, Agaasimaha Fulinta Dalladda Ururrada Dhallinyarada Somaliland ee SOLJA Cabdixamiid Maxamed Cumar, Guddoomiyaha Ururka Hablaha Suxufiyiinta Somaliland ee FIMO Zaynab Maxamed Cabdi, Guddoomiyaha Ururka VOICE Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase), Guddoomiyaha Wadaag Consultant Mustafe Aadam Muuse iyo masuuliyiin kala duwan ayaa si weyn loogu dhiirri galiyay Hablaha Suxufiyiinta ah ee Tababarkan qaatay iyada oo gabogabadii tababarkanna halkaasi lagu guddoonsiiyay Shahaadooyin.
Muddodii labada maalmood ahayd ee uu Tababarkani socday waxa saxafiyiinta Hablaha ahi ay ku qaateen Duruus kala duwan oo la xidhiidha dhinacyada Horumarka Shakhsiyadda, U Doodidda Arrimaha Bulshada iyo sidii Mihnaddan ay Habluhu ugu adeegi lahaayeen dadkooda jilicsan ee u baahan in codkooda la gaadhsiiyo meelo kala duwan, halka ay sidoo kale qaateen casharro la xidhiidha Hogaaminta iyo Bed-qabka Suxufiyiinta Hablaha ah waxaana duruustaasi bixinayay Macallimiin kala kala socday Voice, HASI iyo Wadaag Consulting oo ay ka kala socdeen Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase), Saddaam Maxamed Axmed, Cabdicasiis Cali, Cabdiraxmaan Buraale, Mustafe Aadan Muse iyo Cabdiqadir Maxamd Cabdulle.
Ugu horrayn gabogabadii xidhitaanka tababarkan waxa hadallo kooban madasha ka soo jeedisay Warda Sagal Axmed Rooble oo ah agaasimaha Ururka Suxufiyiinta Hablaha Somaliland ee FIMO oo sheegtay sida ay uga go’an tahay in ay mar walba sii wadaan dadaalka ay ku awoodaynayaan hablaha suxufiyiinta ah iyada oo u mahad naqday cid kasta oo iska kaashatay tababarkan muddoda labada maalmood ah socday oo ay ku tilmaantay mid ka duwan kuwii hore maadaama lagu qabtay hab is xil qaan ah oo aynu isku tashanay.
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Hablaha Somaliland ee FIMO, Saynab Maxamed Cabdi, Guddoomiyaha SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac, Guddoomiyaha VOICE Maxamed Ilkacase, Agaasimaha dalladda SONYO Cabdixamiid Maxamed Cumar iyo Mustafe Adam Muse oo ah aasaasaha iyo maamulaha WADAAG Consulting oo hadalka iska daba maray ayaa dhammaantood ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in la garab joogsado wax bandanna lala qabto dadaalka ay wadaan Hablaha Suxufiyiinta Somaliland ee FIMO oo ay ku bahoobeen haldoorka Hablaha warbaahinta ku jiraa iyaga oo sheegay in iskaashi iyo wada jir wax lagu baddali karo, hablaha suxufiyiinta ahna ku dardaaray in ay dadaalkooda sii wadaan siina kordhiyaan aqoontooda. Waxa Iyana halkaasi ka hadashay Wariye Ikraan Siciid Diiriye oo ku hadashay afka hablaha tababarka qaatay oo faahfaahin ka bixisay muddodii ay tababarkan qaadanayeen muhiimadda ay lahaayeen.
Daawo Sawirrada: