Muqdisho, September 12, 2020- (Foore) –Dhacdo argagax leh ayaa shalay ka dhacday magaalada Muqdisho kadib markii gabadh kufsi loo geystay laga soo tuuray dabaq ku yaalla dagmada Waabari.
Gabadhan yar waxaa magaceeda lagu sheegay Xamdi Maxamed Faarax oo deegaankeedu ahaa dagmada Dayniile, gaar ahaan xaafada Raadeerka.
Gabadhani waxey ka mid aheyd ardaydii sannadkan ka qalin-jabiyay dugsiga sare, balse wali laamaha amaanka Soomaaliya kama hadlin dhacdadaan, walow ay warbaahinta u xaqiijiyeen waalidiinteedu oo falkan argagaxa leh wax laga waydiiyay.
Qaar ka mid ah ehelada gabadhaan oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa dalbaday in cadaaladda la horkeeno dadka geystay falkan foosha xun, waxayna warbaahinta u sheegeen in la xaqiijiyay kufsiga loo geystay gabadha yar ka hor inta aan dabaqa laga soo tuurin.