Suldaan Maxamed C/qaadir Oo Ujeedada Shirka Garxajis Iyo Arab Ku Sheegay Mid Ka Dhashay Qaladaad Ay Dalka Ka Samaysay Xukuumada Muuse

0
859

Hargeysa, September 10, 2020- (Foore)-  Shir Beeleed Ballaadhan oo ay isugu iman doonaan Beelaha Arab iyo Garxajis ayaa la filayaa inuu dhawaan ka furmo Magaalada Balligubadle ee xarunta Gobolka Hawd, kaas oo la saadaalinayo inuu toddobaadka dambe uu ka furmo halkaasi.

Suldaanka guud ee Salaadiinta Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo warbaahinta kula hadlayey Magaalada Hargeysa ayaa iclaamiyey shirkaas waxaanu sheegay inuu toddobaadka dambe ka furmayo Magaalada Balligubadle, isagoo ugu baaqay qoor weynta labada beelood inay ka soo qayb-galaan Shirkaasi oo uu ku tilmaamay mid muhiimmad ballaadhan leh.

Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo arrintaas ka hadlaya ayaa hadalladiisa waxa ka mid ahaa kuwan: “Anigoo ku hadlaya Magaca Beelaha Somaliland, waxaan leeyahay shirkii Mataanuhu “Garxajis iyo Arab”, saddex cisho wixii ka dambeeya wuu bilaabmayaa, sidaas ayaan dadweynaha ugu sheegayaa inay ula socdaan oo ay shirkaas ka soo qayb-galaan. Waa shirkii beelaha Mataanaha maaha shir kale, taana waxaan rabbaa inay dadku kusoo dhiirradaan oo ay yimaddaan, waxa dhibaato ah oo jirtaana ma jirto in wixii danno ah laga shiro waa wax joogta ah.” ayuu yidhi Suldaanku

Suldaan Maxamed  Suldaan Cabdiqaadir oo haddalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi: “Beeluhu haddii ay beryahan shirkoodii ay ka aamuseen ,waxay ila tahay maanta uun inay ugu haboon tahay in shirkii beeluhu uu qabsoomo, maadaama dalka guddihiisa wax-yaabo baddan oo khaladaad ahi ay ka dheceen, wax-yaabo baddan oo khalad ah inay Xukuumaddu ku  kacday, sidaa darteed waxaan iclaaminaynaa in shirkaasi saddex cisho kadib la iskugu yimaado Balligubadle,ama Salaxlley kolba halkii odayaashu ay ila qaataan.”Ayuu yidhi Suldaan Maxamed. Ugu Dambeyn Suldaanka Guud ee Salaadiinta Somaliland Suldaan Maxamed ayaa sheegay inuu shirkaas Beelaha Arab iyo Garxajis u dhaxeeya  uu furmayo, isla markaana aanay jirin cid is hortaagi karrta oo baajin kartaa “Lakiin shirku waxa weeye shir dhacaya maaha shir cidna looga baqanayo inay joojiyaan .”Ayuu yidhi Sul Maxamed C/qaadir.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here