Hargeysa, September 10, 2020- (Foore)- Inkasta oo Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE wakhtiyadii ololaha doorashooyinka Madaxtooyo ee kala dambeeyey uu ku soo caano maalay ajandayaasha sida tooska ah Bulshadu uga war haysay ee la xidhiidha is-bahaysiyada beelaha qaarkood xisbigan sida mugga leh ugu guntadeen si ay u soo saaraan hadba Musharaxiintii ay taageersanaayeen ee kala ahaa Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Muuse Biixi Cabdi haddana waxa gabi ahaanba arrintaasi meesha ka saaray Guddoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha iyo Qaxootiga Somaliland Md. Cabdikariim Axmed Xinif ahna Guddoomiyaha Guddida qabanqaabada Shirweynaha Afraad ee Xisbul Xaakimka KULMIYE oo sheegay in wax heshiis ama is af garad guud ahi aanu haba yaraatee cidna ku dhex marin xisbiga marka laga hadlayo wax heshiis ah oo u dhaxeeyey Murashaxiintii iyo Siyaasiyiinta waaweyn ee xisbiga KULMIYE wakhtigii ololaha doorashooyinka.
Guddoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha iyo Qaxootiga Somaliland Md. Cabdikariim Axmed Xinif oo u warramay Laanta Af-soomaaliga ee BBC-du waxa uu sheegay in xeerarka iyo qawaaniinta xisbiga u yaalla, aanay melena kaga qornayn sidoo kalena aanay dhicin in wax heshiis hoose oo is af-garad ahi cidnaba ka dhaxeeyey oo ay isugu ballansadeen isna aanu ogayn. Mr. Xinif oo ah Guddoomiyaha Guddida qabanqaabada Shirweynaha xisbiga KULMIYE oo daba socday hadalkii uu dorraad warbaahinta Mariyay Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirkii hore ee wasaaradda Madaxtooyada Somaliland oo sheegay in Xisbiga KULMIYE ay u yaalleen wacad ah in Guddoomiye Muuse Biixi si la mid ah sidii Ex. Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu xilka Guddoomiyaha ku banneeyo muddo kadib marka uu ku guulaysto doorashada Madaxtinimo ee dalka.
Guddoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha iyo Qaxootiga Somaliland Md. Cabdikariim Axmed Xinif oo Arrimahaasi ka hadlayay waxa uu yidhi: “Meel lagu heshiiyey oo lagu yidhi murashaxoow markaad madaxweyne noqoto xisbiga hebel ku wareeji may jirin, xeerka xisbiga iyo xeerka waddankana way khilaafsan tahay, jagada bannaanaanta ee xisbiga dhexdiisana ee aan magacaabis ku imanna in lagu tartamayo ayuu xeerkayagu qorayaa…” ayuu yidhi Guddoomiye Xinif.
Si kastaba ha ahaatee hadalka Guddoomiyaha Guddida qabanqaabada shirweynaha Afraad ee KULMIYE waxa uu gabi ahaanba ka hor imanayaa xaqiiqada dhabta ah ee xisbiga KULMIYE oo geeddi socodkiisii siyaasadeed shacabku ka war hayay, muddona cid kastaa la socotay nidaamka uu ku galay tusaale ahaan doorashadii ugu dambaysay ee dalka ka qabsoonta oo ku timid mid ay si weyn uga dhex muuqatay is bahaysiga iyo heshiisyada hoose ee xisbigani kaambaynka ku galay taasoo keentay in salaadiin waaweyn oo ka mid ah beelaha Somaliland goobo fagaarayaal ah kaga tiraabaan in beelahoodu is-bahaysi qori isku dhib ah ku yihiin taageerada xisbiga taasi oo keentay in siyaasiyiin badan oo xisbigan ka tirsanaa ay hore ugu tiraabi jireen arrinka uu wakhtigan guddoomiye Xinif beeniyay.
Xisbiga KULMIYE ayaa wiigga ugu horreeya Bisha innagu soo aaddan ee Oktoobar la filayaa in uu Hargeysa ku qabsado shirweynihiisii guud ee 4aad oo loo badinayo in aanay wax doorasho ahi ka dhicin kuraasta ugu sarraysa xisbigaasina sidooda ahaan doonaan.