Noor Inayat Khan: Amiiraddii Basaaska Ahayd — Mid Ka Mid Ah Haweenkii Geesinimadooda Lagu Xardhay Dagaalkii Labaad!

0
684

Noor Inayat Khan – oo ahayd amiirad u dhalatay Hindiya, basaasna u ahayd Britain – waxay farac toos ah ku lahayd Tipu Sultan, oo ahaa boqorkii qarnigii 18-aad maamulayay muslimiintii Mysore. Waxaa iska dhalay aabe Hindi ah iyo hooyo Mareykan ah, waxayna ku dhalatay Moscow, halka waxbarashadeedana ay ku qaadatay magaalada Paris. Xirfadda luuqadaheeda oo aad u sarreysay ayey shaqo uga heshay Waaxdii howlgallada gaarka ah ee Britain – taasoo howlo basaas ah ka fulin jirtay Faransiiska xilligii la waday dagaalkii ka dhanka ahaa Naaziyiintii Jarmalka.

Waxay ku biirtay jaajuusiintii ciidamada Faransiiska ee waday dhaqdhaqaaqyadii iskacaabbinta. Waxay iska dhigeysay inay tahay wariye Raadiye ka shaqeeya – iyadoo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee qaataday doorkaas khatarta badan – si joogto ahna waxay u baddali jirtay goobaha ay ku sugan tahay, si aan loo fahmin. Ugu dambeyntii waxaa gacanta ku dhigay booliskii Naaziga, kuwaasoo su’aalo weydiiyay, jidh-dilna ku sameeyay.

Marar badan ayey isku dayday inay baxsato – iyadoo mar ku dhawaatay inay fakato kaddib markii ay ka baxday saqafka kore ee xabsigii ay ku jirtay. Mar kasta oo ay baxsad isku daydo, xaaladdeedu way sii adkaaneysay, su’aalaha la weydiinayay iyo jidh-dilkana waa lagu sii badinayay, laakiin waxaa la aaminsan yahay inaysan waligeed wax sir ah siinin Jarmalka. Waxay yaqaaneen magaceeda is-afgarashada kaliya, mana aysan xitaa ogeyn inay Hindi ahayd.

Bishii September ee sanadkii 1944-kii, Inayat Khan iyo saddex haween ah oo ay isku waax ka tirsanaayeen, waxaa loo wareejiyay saldhiggii weynaa ee Dachau, halkaas ayaana lagu toogtay 13-kii September. Geesinnimadeeda awgeed, waxaa iyadoo geeriyootay lagu sharfay abaalmarinta dahabiga ah ee ay bixinayeen dowladaha Britain iyo Faransiiska. Waxaa sidoo kale ficilladeedii geesinimada ahaa astaan lagu xasuusto loogu sameeyay fagaaraha Gordon ee magaalada London ee waddanka Boqortooyada Ingiriiska.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here