Howl-Gabka Qanjidhka Dhuunta Ee Thyroid- Cudur Haweenka Soomaalida Ku Badan

0
1979

Waa Maxay Qanjidhka Dhuunta Ee Thyroid?

Qanjidhka thyroid-ka wuxuu ku yaallaa dhuunta, wuxuuna labada dhinac ka xigaa tuunbada hawa mareenka qeybteeda kore sida sawirkan hoose ka muuqdo, Qanjidhkani wuxuu soo saaraa dheecaano hormoon ah oo jidhku aanu ka maarmi karin.

Waa Maxay Cilladaha Ku Dhaca Qanjidhka Dhuunta Ee Thyroid Gland?

Cilladaha qanjidhka waxaa u badan laba nooc oo kala ah in qanjidhkani uu howlgabo oo uu keeno cudurka aan ka hadlayno hadda ee loo yaqaanno “Hypothyroidism” iyo inay dheecaannada uu soo deynayo siyaado noqdaan oo markaasna loo yaqaano Kacsanaanta qanjidhka thyroid-ka, Luuqadda Ingiriisidana loogu yeedho “Hyperthyroidism”. Waa laba cudur oo lid isku ah, calaamadahooda iyo daaweyntaba way ku kala duwan yihiin.

Waa Maxay Howlgabka Qanjidhka Thyroid-Ka (Hypothryoidism)?

Howl-gabka qanjidhka toroodhka macnihiisu waa in heerka dheecaanada hormoonka ee hoos u dhacaan, haddii hormoonno jidhka ku filan uu qanjidhkani soo saari waayo waxaa qofka uu dareemaa ama ka soo muuqda astaamo dhowr ah oo lagu garto xanuunkan. Xanuunka dhacsanaanta ama howlgabka qanjidhka thyroid-ka wuxuu ku badan yahay haweenka da’ dhaxaadka ah, dumarkeenna Soomaalida aad ayuu ugu badan yahay, laakiin nasiib darro badanaa dhakhaatiirtu si dhakhso ah uguma baraarugaan, maadaama calaamadaha la dareemaa ay u ekaan karaan cudurro kale. Haddii qofka xanuunkan qabaa aan la garanin, ma bogsado oo sheegashadiisa ayaa badata.

Waa Maxay Calaamadaha Lagu Garto Howl-gabka Qanjidhka Thyroid-Ka?

Calaamadaha la dareemaa waxay ku xidhan tahay heerka uu marayo xanuunkaagu, haddii uu xanuunkani uu muddo ku hayay waxaad dareemaysaa calaamado ka duwan marka uu kugu cusub yahay.

Calaamadaha La Dareemo Waxaa Ugu Horreeya:

1- Caajis Iyo Daal (haweenka qaarkood, daal iyo tabar darri awgeed, markay xoogaa socdaan waa in ay nastaan oo ay fadhiistaan!!)

2- Qabowga oo aad dhibsatid ama xilliga qaboobaha oo caajisku aad kuugu bato.

3- Calool-istaag

4- Miisaankaaga oo kordha adigoo aan cunin cunto badan

5- Wajiga oo ku bararo ama aad dareento inuu buuxsan yahay ama daamankaagu noqdaan kuwo sidii buufimada bararay, dadkuna u maleeyaan in aad naaxday.

6- Codka Oo Xabeeb Yeesha

7- Murqo Xanuun Iyo Tabardarri Aadan Si Sahlan Fadhiga Uga Istaagi Karin Illaa Inaad Wax Qabsato Ama Aad Afarta Ku Kacdo Mooyee.

8- Is Goysyada Xaglaha oo xanuun ama barar aad ka dareento

9- Caadada oo kaa wareerta ama siyaado noqoto socodkeedu.

10- Timaha oo khafiif noqda ama inay kaa googo’ayaan aad dareento

11- Maqaarka jidhkaaga oo cawlaan noqda ama qallayl noqda

12- Hilmaan aadan horay u qabi jirin ama caajis maskaxeed.

13- Qanjidhka oo soo kuusma ama barara, qofkane uu dareemo in dhuunta laga Cadaadinayo (xanuun-ka howlgabka qanjirkani qasab uma aha in qanjidhku uu bararo).

Haddii aan la daaweyn, calaamadahan way ka sii dareen oo qofka way ku xumaadaan oo waxaa dhici karta inay heer kale isku badasho oo cadaadiska dhiigaaga hoos u dhaco, neefsashada ku dhibto, heer-kulka jidhkaaguna uu dhaco oo xitaa ay dhici karto in aad coma “suuxdin” gashid.

Caruurta wuu ku dhici karaa xanuunkani calaamadaha laga dareemaana way ka duwan yihiin kuwa aan kor ku soo xusay waxaa ka mid ah: Indhaha iyo maqaarka oo Midab Hurdi ah noqda sida Jooniska (Cagaarshaw) oo kale, saxasho markuu naaska nuugayo, carrab weyn oo afka dibadiisa u soo baxsan iyo wajiga oo barara, markuu xanuunkani ku sii daba dheeraado waxaa caruurta lagu arkaa saxaro adeyg, murqaha oo daciif ah, dhaqdhaqaaq la’aan iyo hurdo siyaado ah. Haddii si dhakhso ah looga gaadhi waayo, xanuunkan wuxuu caruurta ku ridaa doqonnimo oo korriinka maskaxdooda ayuu wax u dhimaa. Badanaa hooyooyinka qaba xanuunka kacsanaanta qanjidhka thyroid-ka ee qaata daawooyin lagu dajiyo hormoonnada haddii ay uur yeeshaan iyagoo daawada qaadanaya, waxay caruurtood halis ugu jiraan in qanjidhkooda uu howlgabo daawada hoyadood ay qaadanaysay darteed.

Maxaa Keena Howl-gabka Qanjidhka Thyroid-Ka?

Howlgabka qanjidhka thyroidka waxaa keena:

1- Caabuq ku dhaca qanjidhka oo dila unugyadii soo saari lahaa dheecaannada hormoonka

2- In qof qabay kacsanaan qanjidhka thyroidka ah la siiyay daawo dajinaysa oo badan taasoo keentay in qanjidhkii uu howlgabo

3- In qofka uu ku yaryahay jidhkiisa maadada hormoonka laga sameeyo loona yaqaano “Iodine”.

4- Qanjidh kale oo maskaxda ku yaalla loona yaqaanno “Pituitary” shaqadiisuna ay ka mid tahay in uu kontoroolo amarna siiyo qanjidhkan thyroidka oo cilladaysan.

5- In qanjidhka gabi ahaantiisba qofka laga saaray xanuun ama buro ka soo baxday awgeed.

5- Daawooyinka qaar.

6- Uurka, hooyooyinka xilliga uurka ay ku jiraan qanjidhkaani shaqadiisu waa ay yaraataa.

7- Midda ugu dambaysaa waxay tahay in ay ilmaha ku dhalan karaan howlgabkaan haddii

hooyada ay ku yarayd jirkeeda maada “Iodine” ama cunugaba uusan lahayn qanjirka ama qanjirka uu ka cillaydaysan xag eebbe.

Sidee lagu ogaan karaa in aan xanuunkaan qabo?

Waxaa lagu ogaan karaa in dhiigga laga baaro iyadoo la fiirinayo heerka ay joogaan dheecaannada qanjirka thyroid-ka inay dhacsan yihiin, inay kacsan yihiin iyo inay dabiici yihiin intaba.

Haddii Aan Qabo Howlgab Qanjidhka Thyroid-Ka, Daawo Ma Leeyahay?

Daawadu waa mid fudud oo ah in la qaato kaniin baddala hormoonka maqan, daawadaasi oo loo yaqaanno “Thyroxine” oo hal kaniin la qaato maalin kasta si joogto ah inta aad nooshahay. Daawadan si fiican ayay wax u tartaa calaamadaha oo idilna way qarsoomaan. Waa muhiim in aad dhakhtar la xidhiidhid inta aad daawada qaadanaysid si loo hubiyo cabbirka kiniinka lagu siiyay uu kugu filan yahay.

Talooyin:

– Ku dadaal in aad daawadaada joogtaysid.

– Haddii aad isku aragto calaamadihii oo dib kugu soo laabtay adoo daawada qaadanaya, dhakhtarkaaga si dhakhso ah ula xidhiidh

– Haddii aad isku aragto dhidid badan ama wadna garaac, ku laaba dhakhtarkaaga, waxaa dhici karta in cabbirka daawada ay kugu badan tahay.

– Haddii aad doonaysid in aad uur qaadid la tasho dhakhtarkaaga.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here