Hargeysa, September 4, 2020- (Foore)- Shalay galab waxa si rasmi ah ay shirkadda TELESOM ee isgaadhsiinta Somaliland ugu dhawaaqday abaal marintii tartanka Aroos wacan oo ay shirkaddu u qori tuuraysay dadkii soo dalbaday abaalmarintaasi ay shirkaddu hore u naadisay.
Tirada dadka ku guuleystay barnaamijkan Aroos wacan ayaa noqday 12 qof oo ku kala sugan goobo kala duwan oo ku kala yaalla deegaamada Somaliland, waxaanay shirkaddu ka bixin doontaa lacagta meherka, tan arooska iyo biilka lixda bilood ee ugu horreysa.
Maxamed Xuseen Iidle oo magaalada Laascaanood ku sugan, oo kamid ah dadka ku guulaystay ayaa Idaacadda BBC-da uga warramay sida uu ku galay barnaamijkan.
“Qaabka aan ku galayay wuxuu ahaa shirkadda waxay soo dirtay farriin, lanbar, aroos wacan baa la gurayaa bey yidhaahdeen, marka waan qoray lamabarkii baan u diray, farriin ayay ii soo celiyeen farriintaasi oo ahayd in ay heleen farriintaydii, waxaanan helay farriin ah in aan ku guuleystay aroos wacan”
Wuxuu sheegay in aanu ku wargelin gabadhii ay wada shekeysanayeen in uu codsaday bakhtiyahaa nasiibka shirkadda.
“Qofku in uu guuleysanayo iyo in kale ma oga wax aadan ogeyn oo hubinba dee waxba uma sii diyaarsan kartid”
Maxamed ayaa ka dhawaajiyay in uu ku faraxsan yahay guushan isla markaana uu shirkadda kala tashan doono qorshahiisa ku aadan guurka.

Liiska Magacyada ku guulaystayaasha Tartankii Aroos wacan
“Aad iyo aad baan u faraxsanahay, wax aniga aan ku guuleysanayo ma ogeyn imikana waxaan wada tashan doonaa shirkadda Telesom marka ay ila soo hadasho”
Maxamed wuxuu ka shanqadhiyay in haatan aanay diyaar u aheyn gabadh uu guursado, waxaan weydinayay halka u ka keenayo gabadhii uu la aqal geli lahaa maadama uu ku guuleystay barnaamijka sida bilaashka ay shirkaddu u bixineyso kharashaadka arooska, wuxuu yiri “Qofku waxa uu ku guuleysto uu helo dee wuxuu xaq u leeyahay waxyaabo faro badan xitaa walaalkey oo gabadhii diyaar u tahay ku wareejiyo xaq u leeyahay haddey iyagu aqbalaan”
Haddaba, ehelka iyo asxaabta Maxamed siday u arkaan, guusha uu gaadhay?
“Guurka soomaalida uma taqaano wax xun, guurka soomaalidu inta badan wey ku farxaan koley kuwa ka naxa wey jiraan, gabadha aad qabta wey ka naxdaa laakiin ehelka iyo qoyska wey ku farxaan ninka guurkiisa”
Shirkadda ayaa shaacisay magacyada iyo lamabarada dadka ku guuleystay bakhtiyaa nasiibka, haddaba Maxamed muxuu dadku kala kulmay?
“Umadda soomaaliyeed wixii Jamhuuriyadda Somaliland jooga telefoonka wax yar baa ku haray sidii hambalyo loo lahaa, intooda, waa ii hambalyeeynayaan”