Sucuudiga: Khilaafkii Boqortooyada Dhexdeeda Oo Kordhay Iyo Xilal Laga Qaaday Xubno Qoyska Ka Tirsan

0
667

Riyaad, September 01, 2020- (Foore)- Khilaafkii u dhaxeeyey qoyska reer Boqor ee dalka Sucuudi Carabiya ayaa meel xun maraya iyada oo wararkii ugu dambeeyey sheegayaan in boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis uu xilal ka qaaday saraakiil ka tirsan dawladda dalkaasi oo ay ku jiraan laba nin oo isu aabbe ah oo ka wada tirsanaa qoyska ballaadhan ee ka taliya qasrul Yamaama.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Boqor Salmaan ayaa lagu sheegay in xilka laga qaaday Amiir Fahad Bin Turki oo ahaa taliyihii ciidammada isbaheysiga ee Sucuudiga hogaaminayo ee howlgallada ka wada Yemen.

Waxaa sidoo kale shaqada laga eryay wiilka uu dhalay Amiir Fahad oo lagu magacaabo Cabdulcaziiz oo ahaa ku-xigeenka badhasaabka gobolka waqooyiga dhaca ee Al Jowf.

Waxay saraakiishani wajahayaan baadhitaanno ku aaddan eedeymo ku saabsan wax isdaba marin heshiis maaliyadeed ah, sida ku xusan wareegtada kasoo baxday wasaaradda gaashaandhigga.

Dhaxal sugaha Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan wuxuu gadhwadeen ka ahaa olole ka dhan ah musuq maasuqa ka dhaca dowladda dhexdeeda isaga oo hore u sheegay in uu xididada u siibayo musuqmaasuqa taasi oo hore loogu xidhay xabsi guri xataa maalqabeenno waaweyn oo qaarkood ka tirsanaayeen qoyska ballaadhan ee reer Aala Sacuud.

Wuxuu hantay qalbiyada hogaamiyeyaasha reer galbeedka ka dib markii uu ku dhaqaaqay tallaabooyin uu isbaddallo kaga sameeyay Sucuudiga, oo ah waddan sharci adag, waxaana isbadalladaas ka mid ahaa xayiraaddii uu ka qaaday gaadhi wadista dumarka iyo dadaalkii uu ku raadinayay sidii loo ballaadhin lahaa dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha.

Si kastaba dadka dhaleeceeya siyaasaddiisa, waxay ku eedeynayaan in uu bartilmaameedsanayo dadka uu u arko inay caqabad ku yihiin awooddiisa isaga oo hore loogu eedeeyey in uu ka dambeeyey shirqoolkii lagu dilay wariyihii caanka ahaa ee Jamaal Khaashuqji.

Horraantii bishan ayay aheyd markii joornaalka Wall Street uu ku warramay in saddex sarkaal oo ka tirsan boqortooyada la xidhay, waxaana kamid ahaa nin la dhashay boqor Salmaan oo la yidhaahdo Amiir Axmed bin Cabdul Caziiz iyo dhaxal sugihii hore ee u isagu inqilaabay oo lagu magacaabo Maxamed Bin Nayef.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here