Boorama, August 31, 2020- (Foore)- Toddobaadkii hore ayey ahayd markii ay Xukuumadda Somaliland ay iska hor istaagtay inuu xadka Itoobiya ka soo gudbo Ugaaska Guud ee Beelaha Samaroon Ugaas Cabdirashiid, isla markaana uu yimaado Magaalada Boorama,iyadoo ay Xukuumaddu is hortaageeda ku sababaysay mid la xidhiidha khilaafka u dhaxeeya madaxda dhaqanka Gobolka Awdal oo uu garab la safan yahay ugaaskuna
Wasiirkii hore ee wasaaradda boosaha iyo isgaarsiinta ee Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal oo arrintaas ka hadlay ayaa sheegay inuu ka soo horjeeda qaabka loola dhaqmay Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble ee ay Xukuumadda Somaliland uga hor-istaagtay inuu yimaado dalka, isla markaana uu Borama soo caga dhigto
Ex Wasiir Maxamed Jaamac Abgaal ayaa haddalkiisu u dhignaa sidan:-“Waa arrin mucjiso ah oo innagu cusub ,waxa meeshan dhaawac loo geystay dhaqan ayaa la dhaawacay dhaqan Somaliyeed ayaa la dhaawacay, dhaqan reer Somaliland ah ayaa la dhaawacay, dhaqan reer Awdal ayaa la dhaawacay hawshaa cidii gashayna ilaa hadda wax Xukuumadda dhaafsiisan oo aanu haynaa ma jirto, meeshii uu Ugaasku kasoo gelayey waxa soo baxday in tigniko qayru caadiya oo aad u tira badan oo aad moodo inay Tukaraq difaacayaan ayaa meesha la soo tubay, arrinkaas khakhal ayuu ummada geliyey ugaaskiina wuu iska noqday oo wuxuu is yidhi inta khasaare iyo dhibaato ka weyni halkaa ka dhici lahayd, iminka wuxuu ku sugan yahay jigjiga .”ayuu yidhi
Waxaanu intaasi ku sii ladhay Ex Wasiir Abgaal inuu Ugaasku u imanayey Boorama midaynta Beeshiisa iyo arrimo dhaqan, balse aanu u imanay arrimo siyaasadeed “Isaga ummadan midnimadeed iyo wanaageeda ayaa khuseeya, haddii uu yimaadana wanaag iyo midnimada ayuu ka shaqayn lahaa sidaan rajaynayo, lakiin in qof muwaadin ah oo dalkiisii iyo dadkiisi imanaya in laga horjoogsado waa dhacdadii noogu foosha xumayd ee intaan dalka joogay isoo martay weeye.”. Dhanka kalene Ex Wasiir Abgaal ayaa sheegay in loo baahan yahay Ugaasku inuu marka ay hawlo jiraan uu yimaado Gobolka ,isla markaana uu xaliyo arrimaha jira“Haddii ay xaaladi jirto waa inuu yimaado xiliga kale ee uu iman lahaa maxay tahay,haddii aanay xaaladi jirin muxuu naga soo doonayaa, marka xaaladi jirto waa Ugaaskii guud waa inuu noo yimaado Awdal iyo Somaliland duruufaha yaalaa wey khuseeyaan,Somaliland ayaanu joognaa dalkaygii ayaanu joognaa duruufaha dhaqan ee na dhexmara waa inuu yimaado oo uu xaliyo, lakiin wax siyaasaddo khuseeya mahaa, arrimo dhaqan haddii ay jiraan wuu imanayaa wuu xalinayaa haddi aanay jirin muxuu naga soo dooni.”
Gunaanadkii Ex Wasiir Maxamed Jaamac Abgaal ayaa xusay in aanu garanay cida ka shaqaysay qorshaha ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi ku joojisay inuu Ugaaska Beesha Gadabuursi uu dalka soo galo “Qofku marka uu yimaado ee masuulku yimaado ee la wada haddlo ayaa waxaas ayuu u socday iyo waxaas ayuu u socday la yidhaahdaa, laakiin nin masuul ah oo oday dhaqan ah annigu cida sii qorshaysa ee waxaas ka sii shaqaysay ma garanayo .”Ayuu yidhi