Ujeeddada Diiwaan Galin Tijaabo Ah Oo Komishanka Doorashooyinku Ka Bilaabayo Oodweyne Iyo Balli-Gubadle

0
692

Hargeysa, August 31, 2020-(Foore)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa rasmi ahaan kowda Bisha u bilaabaya hawlihii qabanqaabada iyo u diyaar garawga Doorashooyinka isku sidkan ee Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka oo la filayo in ay badhtamaha sannadka soo socda ka qabsoomaan Somaliland kadib markii ay Toddobaadkan Maxkamadda Sare soo saartay qaraar khuseeyey nidaamka lagu galayo doorashada Golaha wakiillada oo ah in uu noqon doono sidii tii sannadkii 2005 lagu soo doortay Golaha wakhtigan jooga.

Inkasta oo maalmihii ugu dambeeyeyba Komishanka Doorashooyinka Qaranku dardar galiyay hawlaha uu u igman yahay ayaa haddana ilo-wareedyo u dhuun daloola xarunta guud ee Komishanka Doorashooyinka Qaranku, waxa ay Wargeyska Foore u xaqiijiyeen in Kowda Bisha sagaalaad oo Berri ah ay si rasmi ah u bilaaban doonaan dhammaanba hawlihii kala duwanaa ee Komishanka Doorashooyinka iyada oo 2-da Bisha oo ku beegan Arbacada ay Gobollada Daadmadheedh iyo Hawd ka bilaabi doonaan diiwaan galin tijaabo ah oo ay hab muunad ah ku tirakoobi doonaan dad kooban si loo hubiyo hannaanka uu nidaamka tiknoolajiyadeed ee diiwaan galintu u shaqaynayo.

Magaalooyinka Balligubadle iyo Oodweyne ayay wararku sheegayaan in Komishanka Doorashooyinku min 100 qof ka diiwaan galin doonaan kuwaasi oo hab tijaabo ah loo diiwaan galin doono si loo hubiyo nidaamka saxda ah ee uu u shaqayn doono qalabka diiwaan galinta iyo hannaanka qofka looga qaadayo faraha iyo Indhuhu iyada oo dadkaasi la diiwaan galinayaa noqon doonaan dad kala duwan oo isugu jira dhallinyaro rag iyo haween ah iyo kuwo waaweynba, lagana qaadi doono Inshaha iyo Faraha.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa Komishanka Doorashooyinka ku bogaadiyey Diiwaan galinta Tijaabada ah ee ay Arbacada ka bilaabi doonaan Gobollada Daadmadheedh iyo Hawd, waxaanu qoraal kooban oo uu ku baahiyay bartiisa Twitter ku yidhi sidan: “Waxa aan ku bogaadinayaa Komishinka Doorashooyinka Qaranka [KDQ] in ay ka bilaabayaan Arbacada 2-da September 2020ka, Gobolka Daadmadheedh Magaala Madaxdiisa Oodweyne iyo Gobolka Hawd Magaala Madaxdiisa Balligubadle Diiwaangelinta casriga ah ee codbiyeyaasha oo tijaabo ah’. Ayuu qoraalkiisa ku yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.

Sidoo kale wararka la xidhiidha diyaar garawga Doorashooyinka la filayo in ay dalka ka qabsoomaan ayaa tibaaxaya in xukuumadda Somaliland ay Komishanka Doorashooyinka ku war galisay in kharashkii doorashooyinka lagu qaban lahaa dhinacooda ka diyaar yahay oo ay bixin doonaan sidoo kalena la filayo in dalalka Somaliland ka caawiya nidaamka doorashooyinku ay Iyana qaybtooda bixin doonaan haddii ugu dambayn caqabadaha doorashada haysta laga heshiiyo sharci ahaan iyo diyaar garaw ahaanba.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here