Muqdisho, August 31, 2020 (Foore)- Odayaasha dhaqanka ee Beesha Hawiye ayaa ka hadlay socdaal ay ku iman lahayeen maalintii sabtidii ina dhaaftay Magaalada Hargeysa oo ay Xukumadda Somaliland u diiday,kuwaas oo sheegay inay ka xun yihiin socdaalkoodii la joojiyey,waxaanay xuseen in aanay u socon arrimo la xidhiidha siyaasad,balse ay u socdeen arrimo dhaqan
Odayaashan oo Magaalada Muqdisho kula hadlay war-baahinta ayaa faah-faahin ka bixiyey ujeedada uu daaranaa socdaalkooda ay Somaliland diiday ee ay Hargeysa ku iman lahayeen, waxaana haddaladoodii kamid ahaa kuwan “Madaarka Muqdisho markii aanu gelnay waxa noo caddaatay in xagaa amar laga soo siiyey diyaaradii aanu raaci lahayn maamulkeedii oo la yidhi odayaashaas ma soo qaadi kartiin,mana iman karaan Hargeysa,markaa arrintaas waanu u qaadan weynay waxay nala noqotay waxaananu filaynin oo aanu la yaabnay,maxaa yeelay Hargaysa annagu marar badan ayaanu tagnay,waxaanu u tegi jirnaya arrimo dhaqan ah nagamay xidhnayn magaaladu,meel nalaga ixtiraamo oo nalagu soo dhaweeyo oo nalaga jecelyahay ayay ahayd , ilaa haddana waanu aaminsanay inay sidii tahay, markaa isbeddelkaa waanu fahmi weynay,waxaanu rabnaa markaas wax walbaa iman karra wixii aanu u soconay in aanu caddayno.”Ayuu yidhi Guddoomiyaha Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad
Dhanka kalena Afheyeenka Beelaha Hawiye Nabadoon Cabdinuur Axmed Diiriye ayaa sheegay saddex qoddob oo uu daaranaa socdaalkooda Hargeysa “In aanu Caddaynu ujeedkii aanu u soconay annagu qoddobka koobaad waxaanu ahayn Ergo, laba waxaanu sidnay Mag saddex waxaan u soconay dhalinyaro labaatan sanno ku xidhnayd Somaliland xabsigiina dhammaystay in aanu kale xaajoono maamulka iyo dadka ay khusayso .”Ayuu yidhi
Waxa uu intaasi ku sii daray Nabadoon Cabdinuur Axmed“Wixii nagu dhacay waxay nagu noqdeen arrin fajac nagu abuurtay arrin aanu qaadan weynay nagamay dhaxayn arrinta nagu dhacday, abaal aad u weyn qadarin ayaanu u haynaa shacabka iyo maamulka Somaliland abaalna wey nagu leeyihiin,waxaan rabnaa madama ay sidaas tahay dhacdaasina ay nagu dhacday wax naga dhaxeeyeyna aanay ahayn in aanu helno jawaab.” Ayuu yidhi.
Ugu dambeyn Odayaashan ayaa Xukuumadda Somaliland ka dalbaday inay socdaalkooda ay Hargeysa ku imanayaa ay u ogolaato, isla markaana ay raaligelin ka bixiso hakadka ay ku samaysay “Waxaan ka sugaynaa inay raaligelin naga siiyaan safarkii shalay la hakiyey sidoo kale waxaanu sugaynaa inay safarkii noo fasaxaan oo ay mar labaad noo fasaxaan safarkii annagu xoogna kuma socono xumaana kuma socono, dhaqanku wuxuu kamid yahay bulshada qaybaheeda fasaxan waana biri ma geydo, markaas walaallahayo waxaanu ka sugaynaa,waxaan shalay ka weynay in aanu ka helno,wixii aananu ka filayn ee nooga yimi inay nooga tacsiyadeeyaan, waxaan leenahay Dowlada Muuse Biixi waa inay ka bixisaa arrintaas raaligelin,wax siyaasad ah uma socona dowlada ayaa jawaab ka rabnaa shacabka ayaan ka rabnaa Salaadiinta reer Hargeysa ayaan ka rabnaa.”Ayey yidhaahdeen odayasha Hawiye.
Sidoo kale arrintan waxa ka hadlay saraakiil siyaasiyiin ah oo ka soo jeeda Beelaha Hawiye oo kulan ay ku qabteen Magaalada Muqdisho ku cambaareeyey falka odayaasha dhaqanka Hawiye ku sheegeen in loogu diiday in ay soo cago dhigtaan Magaalada Hargeysa.
Xuseen Weheliye oo ka mid ah guddida siyaasiyiinta beesha Hawiye oo shalay la hadlay Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin odayaasha ay sheegeen in loo diiday iyaga oo eedo u soo jeediyay xukuumadda Somaliland gaar ahaan madaxtooyada oo ay sheegeen in ay amreen xafiiska laanta socdaalka in aanay odayaashaasi ka soo degi Karin madaarka caasimadda Hargeysa.