Dadaallo Lagu Doonayay Sidii Ay Dib Ugu Hawl Gali Lahaayeen Air Arabia Iyo Fly Dubai Oo Natiijo La’aan Ku Soo Dhammaaday

0
561

Hargeysa, August 31, 2020- (Foore)-  Warar soo baxaya ayaa sheegay inay natiijo la’aan ay ku soo dhammaadeen wadda xaajood u socday Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo ergooyin kale duwan oo matalayay shirkaddaha diyaaradaha ee Fly Dubai iyo Air Arabia, kuwaas oo doonayey inay Xukuumaddu ay dib u ogolaato inay shirkaddahaas ay dib u bilaabaan duulimaadyadoodiii ay sida joogtada ugu iman jiraan Somaliland ee ay hore u hakisay

Erggoda ayaa la sheegay inay kullamo kale duwan oo arrintaas la xidhiidha oo ay la yeesheen Madaxweyne Muuse Biixi, balse ay  natiijo la’aan ku soo dhammaadeen,isla markaana uu Madaxweynuhu diiday inay shirkaddahaas ay dib shaqadoodii dalka uga bilaabaan, waxaana la xusay inay ergadaas ay kamid ahayeen Wasiir Maxamed Kaahin Axmed iyo Guddoomiye Saleebaan

Aqoonyahan Maxamed Haaruun Biixi oo ka mid ah wax-garadka Somaliland ayaa shaaciyay in natiijo la’aan ay ku soo dhammaadeen wada-hadallo u socdo xukuumadda Somaliland iyo shirkaddaha diyaaradaha ee Fly Dubai iyo Air Arabia.

Aqoonyahan Maxamed Haaruun Biixi ayaa qoraal kooban oo ku baahiyay barta uu ku leeyahay Facebook waxa uu ku yidhi: “Kama dambays waxa natiijo la’aan ku dhamaaday hadalladii mudoba lagu raadinaayay in shirkadda Fly Dubai iyo tan Shaariqa ee Air Arabia ay Hargeysa dib ugu duulaan xanibaaddii Corona ka dib. Madaxweyne Muuse oo dano qoys (family interest) ku leh duulimaadada diyaaradda Itoobiya oo ay wakil u yihiin ayaa hadda fursad bilaa tartan ah ku haysan doonta duulimaadada Somaliland iyo caalamka kale, oo duulimaadadii Dubai ay ku jiraan.”Ayuu ku yidhi Qoraalkiisa

Waxaanu intaas ku sii daray aqoonyahan Biixi “Wiilkii wakiilka u ahaan jiray Fly Dubai iyo Air Arabia dadaal badan buu sameeyay si tan looga fursado. Sharci la adeegsado marka ay sidan oo kale tahay ma Jiro, hadii uu Jiro na, ma shaqeeyo. Sidaas darted, wiilku waxa uu adeegsaday xeeladihii iyo xadhkihii reernimada oo ah waxa keliya ee inta badan shaqeeya, ma se u shaqaynin Cumar. Dahabshiil, Saleebaan-guurti, Kaahin iyo gebi ahaanba salaadiinta beesha ayaa keli-keli iyo koox-koox ba amuurtan uga hawl galay si ay Muuse u qanciyaan, ma se dhicin. Dhamaantood jawaab aad u kooban oo afar xaraf ka kooban (Maya) buu siiyay, nin kastaana wuu iska tegay.”

Ayuu ku yidhi qoraalkiisa Maxamed Haaruun Biixi oo ka mid ah Aqoonyahanka reer Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here