Wasiir Iyo Agaasimihiisii Oo Isku Weeraray Waraaqo Cadho Ah, Khilaafkoodana U Gudbiyay Madaxweynaha

0
684

Hargeysa, August 30, 2020- (Foore)– Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Mudane Mustafe Maxamuud Cali iyo Agaasimihiisa Cabdiraxmaan Sheekh Xasan (Musaabaqo) Isla Wasaaraddan Caddaaladda ayaa khilaaf culus oo soo kala dhex galay waxa uu keenay in ay isku weeraraan waraaqo weerar iyo weerar celis ah oo lagu baahiyay baraha Bulshada.

Wasiirka ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegayo in uu Agaasimaha ka joojiyay dhammaanba saxeexyadii isaga oo dhinaca kalena ku eedeeyey in wasaaradda wayday nidaam kala dambayn ah shaqadii ay qaranka u haysanna fadhiid noqotay, eedayntaasi oo isna Agaasimaha Guud deedafeeyey waxba kama jiraanna ku tilmaamay isaga oo wasiirka ka codsaday in uu soo caddeeyo eedaha uu u jeediyey.

Waraaqaha ay isku direen ayay Madaxweynaha ku socodsiiyeen lamana oga tallaabada ay arrintan ka qaadan doonto Madaxtooyadu.

Halkan ka akhriso labada warqadood ee ay labadan masuul isku direen:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here