Ujeeddada 750 Milyan oo Kaneeco Ah Loogu Sii Daayay Gobol Maraykanka Ka Mid Ah!!

0
262

Florida, August 29, 2020- (Foore)-  Mas’uuliyiinta gobolka Florida ayaa ansixiyay sii deynta 750 milyan oo kaneeco, oo jinsi ahaan isbaddal loogu sameeyay, si loo yareeyo xaddiga kaneecooyinka ku nool gobolkaas.

Ujeeddada laga leeyahay mashruucan ayaa ah in la dhimo tirada kaneecooyinka cudurrada qaada, sida fayrasyada noocyadooda kala duwan.

Fulinta mashquucan oo ku saleysnaa amar dhinaca dowladda ah ayaa muran dhalinayay muddo sannado ah, waxaana cadho weyn ka muujiyay dadka u dooda xuquuqda deegaanka, oo ka digay inay ka imaan karaan cawaaqibxumo aan lasii saadaalinin.

Mid ka mid ah kooxahaas ayaa cambaareeyay mashruuca, wuxuuna ku tilmaamay “dhibaato bulshada loo horseedayo”.

Shakhsiyaadka u ol’oleeya xuquuqda deegaanka ayaa walaac ka muujiyay in wax ka baddalka taranka kaneecooyinka ay sababi karto waxyeello ku timaada hawada dabiiciya ah. Waxaa kale oo ay ka digeen inay arrintan ku sameysmaan cayayaanno adkeysi u leh dawooyinka iyo sunta lagula dagaallamo.

Laakiin shirkadda arrintan ku shaqo leh ayaa sheegtay in aysan jiri doonin wax khatar ah oo bani’aadanka ama deegaanka kasoo gaadheysa howshan. Waxay sidoo kale ku baaqeen in la sameeyo daraasado ay dowladdu ka warqabto.

Seynisyahan ku sugan Brazil oo sii deynaya kaneecooyin, si wax looga qabto cudurka Zika
Seynisyahan ku sugan Brazil oo sii deynaya kaneecooyin la daweeyay, si wax looga qabto cudurka Zika

Qorshaha sannadka 2021-ka kaneecooyinka loogu sii deynayo jasiiradaha Florida Keys ayaa yimid dhowr bilood kaddib markii ay dowladda federaalka Mareykanku sharci ahaan u fasaxday in kaneecooyinkaas wax laga baddalo.

Bishii May, Waaxda Arrimaha Deegaanka ee Mareykanka ayaa u oggolaatay in shirkad uu fadhigeedu yahay Britain ay ka howlgasho gudaha Mareykanka, si ay u soo saarto kaneecooyin tarankooda jinsiyeed la dhalan rogay.

Kaneecooyinka howlgalkaas lagu fuliyay, oo ah nooca Aedes aegypti, ayaa lagu yaqaannaa inay xambaaraan cudurrada dilaaga ah ee ku dhaca bani’aadanka – oo uu ka mid yahay cagaarshowga.

Sida la ogyahay, kaneecooyinka dhaddigga ah oo kaliya ayaa qaniica bani’aadanka, sababtoo ah waxay raadinayaan dhiig ay ukumahooda ku sameeyaan.

An engorged mosquito

Sidaas darteed qorshaha ayaa ah in lasii daayo kaneecooyinka labka ah, kuwaasoo tarankooda wax laga baddalay kaddibna la falgali doona kuwo kale oo dhaddig ah balse duurka ku jira.

Hase yeeshee, kaneecooyinka labka ah ayaa lagu duray nafaqo dileysa kaneecooyinka dhaddigga ah marka ay gaadhaan da’da ay wax ku qaniici karaan.

Qorshaha ayaa ah in aan la dabar goynin kaneecooyinka balse tiradooda aad hoos loogu dhigo.

Xilli kaddibna waxaa la gaari doonaa heer ay faro ku tiris noqdaan kaneecooyinka cudurrada khatarta badan qaada ee loo yaqaanno “Aedes aegypti”.

Maalintii Talaalada, mas;uuliyiinta Xarunta Xakameynta kaneecooyinka ee Florida Keys ayaa fasixii ugu dambeeyay ku oggolaaday sii deynta 750 milyan oo kaneeco, kuwaasoo hawada lagu fasixi doono muddo 2 sano gudahood ah.

Laakiin qorshahan wuxuu la kulmay dhaleeceyn badan, waxaana ka mid ah ku dhawaad 240,000 oo ruux oo saxiixay dacwad ka dhan ah.

Shirkadda howshan fulisay ayaa sheegtay inay horay ugu soo guuleysatay dalka Brazil, haddana ay ku talo irto inay sanadka 2021-ka u gudbto gobolka Texas.

Hase yeeshee wali wax fasax ah kama aysan helin maamullada maxalliga ah iyo midka federaalka toona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here