Dhibaatooyinka Laga Dhaxalo Qofka Bani Aadamka Ah Oo Laga Faaiidaysto Markuu Baahanyahay- Qalinka Cabdiraxiim C/Laahi Shiine

0
217

Baahidu waa wax ilaahay ku beero bani aadamka taas oo kala duwan iyadoo qof walba uu baahi qabo. Qofka bani aadamka ah markuu baahanayahay ma noqonayso oo kaliya inuu cunto u baahanayahay ama baahiya aasaasiga ee noloshu ubaahanatahay, waxay noqanaysaa qof baa u baahan inuu cadaalada helo mudana u samraayey, qof baa ubaahan inuu helo guur xalaal ah , qof baa u baahan inuu hello shaqo si uu ugu anfaco naftiisa iyo ta qoyskiisa, qof baa u baahan inuu helo mushahar u dhiganta shaqada uu haya.

Fariintan waxaan udirayaa Dawlada, madaxda dawlada, Maxkamadaha, Saraakiisha askarta, Shirkadaha waaweyn, madaxda shirkadaha waaweyn, iskuulada gaarka loo leeyahay iyo cid kastoo maamusha cid ka dhaqaale iyo darajo hoosaysa. “Rasuulkeenii Maxamed NNKHH waxaa laga soo wariyay xadiis Saxiixa ah Dadka Dadka kale u naxariista ILLAHAY baa u naxariista ee u naxariista dadka si samada laydiinka naxariisto”. dadka madaxda ah waxay badanaa ku daadalaan inay caadaadiyaan shaqalahooda ay maamulayaan ama ay ka darajo sareeyaan si ay karaamo sharaf uga helaan madaxda iyaga ka saraysa ama uga sii waaraan shaqada sare ee ay hayaan.

Dulmiyada qaar kaas oo lagula kaco shaqaalaha Dawlada marka aad baadho waxaad arkaysaa ama kaga soo baxaya waxaad layaabayso tusalayaal aan usoo joogay.

1: waxaad arkaysaa shaqaale dawladed oo shaqaynaya ugu yaraan Sideed sacadood isla markaana aan maalin maqnaanayn hadii uu maqanaadana waxaa laga goynayaa ganaax mushaharkiisa halka qaar isla xafiiskaas ka tirsan aanay soo shaqo galayn bisha oo dhan isla markaana uu imanyo maalinta lacagta la qaadanayo oo kaliya, taas eedeeda, dhibaatadeeda iyo dulmiga qofkaas laga galay waxaa qaadaya Madaxda goobtaad ha ugu horeeyo Madax shaqaalaha.

2: Dulmiga loo shaqeeyayaasha qaar ku sameeyaan shaqaalaha danyarta ah waxaa ka mid ah Iyadoo laga faa’idaysanayo baahidooda, in lagu adkeeyo shaqada si aan loogu adkayn shaqaalaha la midka ah ee nidaamka qabaliga ah loo shaqaalaysiiyey. In aan la dallacsiin ama aan loo kordhin mushaharka haddii uu dadaal dheeraad ah la yimaaddo iyo haddii kalaba. In markasta loogu caga-jugleeyo in shaqada laga eryi doono haddii uu gar iyo gardaraba ku raaci waayo awaamiirtooda.

In aan laga dhageysan dacwaddiisa haddii lagu xad-gudbo iyo haddii uu qalad ka tirsanayo shaqaalaha kale ama maamulkaba. In loo sameeyo eed iyo dambi aanuu gelin si looga eryo shaqada. In aan la siin xuquuqda uu xaqa u leeyahay. In mar walba laga diido codsigiisa, haddii uu fasax u baahdo iyo haddii hawlo kale ku yimaaddaan. In aanuu helin wax caawimo ah, haddii xaalado caafimaad iyo xaalado duruufeed ku yimaaddaan. In mar walba cadaadis xooggan la saaro iyadoo laga faa’idaysanayo baahidiisa. In lagu qasbo hawl aanuu taag u lahayn. In mushaharkii lagu dhibo ama laga raajiyo, haddii uu dacwoodana loogu hanjabo inuu waayi doono shaqadiisa.

3: Ganacsatadda yar yar ee Gancsigoodu soo korayo waa kuwa ugu dulmiga badan marka la eegayo xagga xuquuda shaqaalaha, waxaad arkaysaa Inan yar oo Dhalinyarro ah oo kaalin shidaal jooga waxa uu shaqaynayaa ugu yaraan subixii 700 Am ilaa 300Pm ku dhawaad sideed sacadood maalintii wiig kastana 56sacadood oo ka kooban todobada cishee wiiga markaad weydiiso miyaad jimcaha fasax ahayn mise waqti dheraad aha ayaa laguu xisaabiyaa oo bishii baad u xaadirtaa afarta jimce ee bishii wuxuu kugu jawaabaya maya hadday doontana waxa taas udheer in uu kula heshiiyay inaanu wax xaq ah ku lahay ganacsigan uu ka shaqaynayo hadii bari ka maalin laga eryo taasina waxay ku tusaysaa heerka uu maryo dulmiga shaqaaluhu.

4: Ganacsatada yar yar ee bakhaarada soo koraya iyaguna waxay ka mid yihiin kuwa ku tuna isla markaana aas xaqa shaqaalaha ushaqynayaa ay ku leeyihiin , waxaad arkaysaa Inan yar oo dhallinyarro ah oo bakhaar ka shaqaynaya isla markaana uu ninka gaancsadaha ee ushaqaynayaa uu ku qasbo qofkan ushaqaynaya inuu xataa habeenkii seexdo bakhaarka hadii kale oo uu seexan waayana shaqadiisa ku waayayo Madxa Shaqaalaha iyo Shaqadiisa : waa Qofka u sareeya shaqaalaha kaas oo ah ka ilaalinaya xuquuqda Shaqaalaha ay ku leedahay goobta aad ku leedahay, xuquuqda uu shaqaaluhu ay ku leeyihiin goobta ay ka shaqaynayaaniyo ilaalinta sinaashaha iyo ucadaalada samaynata shaqaalaha uu madaxda uyahay.

lakiin badanaa ma jirto ama wuu yaryahay madaxa shaqaale oo ku wada dhaqma qodobada aynu xagga sarre ku soo xusnay, kaliya badanaa waxay ku shaqeeyaan wixii udana hadba goobtaa laga shaqaynayo cadaadiyana shaqaalaha uguna ganjaba shaqo ka eryid iyo ganaax joogto ah isla markaana meesha ka saara xuquuqada uu shaqaaluhu ku leeyhay meesha laga shaqaynaya. Qofka U Baahan Inuu Helo Shaqo Si Uu Ugu Anfaco Naftiisa Iyo Ta Qoyskiisa Qaabka dadka loo shaqeeya uga faaiidaystaan qofka baahid uqaba inuu helo shaqo waa qaab aad u fufud qofkan marka shaqada la siiyo waxaa madax unoqonaya ama darjo ahaan ka saraynaya qof aqoon ahaan ka hooseeya amaba aan aqoon lahayn haddana ka mushahar badan. qofkan aan aqoonta lahayni wuxuu ku daadalayaa inaanu ka riixan booskiisa kan aqoonta leh ee ka hooseeya ka dib waxa uu samaynayaa talaabo kasta oo cadaadinkaro qofkan shaqaalaha isagoo digniino badana oo is daba jog ahna siinaya mararka qaarna ugudbinaya kolba cida ka saraysa. qofkan maamulka ah wuxuu aaminsanyahay hadii uu iska dhisi waayo madaxda ka saraysa in shaqada laga eryayo oo aanu arsaaq danbe helayn taasina waxay meesha ka saartay inuu masuulkani aanu ogsoonayn inuu arsaaqdda ILLAHAY damaanad qaadey oo uu cidkasta uu isagu arsaaqo. Maxaad Ka Taqaanaa Dhibaatooyinka Ay Dhaxaalaan Dadka Xaqira Xuquuqda Qofka Shaqaalaha.

Diinta islaamku waxay kaa xaaraaantimaysay saddex shay oo qofku ku leeyahay Maalkiisa, Sharaftiisa iyo Dhiigiisa. Xuquuqda qofku maalkiisa markaa hadii aad ku dhaqaaqid ama aad ku dhaqantid waxay Diinta islaamku kaa xaaraantimaysay waxaad wajahaysay caqabado. Dhibaatooyinka haysta dadka xaqira xuquuqda shaqalahooda ama dadka ay ka darjadda sareeyaan taas oo ay maamulaan waxaa ka mid ah

1: In ay ku filnaan wayaan xoolihiisu ama mushaharka uu ka qaato meesha uu ka shaqanayo oo ay u muuqato mushaharka uu qaadanayo qofkaa uu dulamay.

2: In baahi labadaa indhood loo saaro oo aanay waxba deeqin.

3: Xanuun joogta ah oo aanu ka baxayn isaga laftiisu ama qof muhiim ah oo ka tirsan qoyskiisa.

4: Dulmiga uu guranaya waxay saamayn ku yeelataa caruurtiisa oo laga yaabo inay ku xumaadaan waxbarshada, waalid inkaar ku noqdaan, ay udhashaan caruur baahiyo gaar ah qaba iyo inuu caruurba dhali waayo. “Cuqubo halkii lagu galay caw ku hurdaaye caruurtay ka laysaa caano baas ninkii dhamee”

5: Inuu ma gudbe oo noqdo oo aanu waligii halkaa uu joogo aanu dhaafin ama aanay xoolihiisu utarmin ama aanay ubarkoobin.

6: Inuu noqdo qof xaasid ah oo ka xumaada waxa u kordha dadka kale. Ugu danbayntii mudane/ marwo hadii aad isku argto dhibaatooyinkan bal hadda dib isku fiiri bal nolshaada cida kugu xeeran inay cidina kaa tirsanyso wax dulmi ah.

WA BILAAHI TAWFIIQ

W/Q: Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here