Degdeg: Maxkamadda Sare Oo Qaraar Kasoo Saartay Doorashooyinka Somaliland

0
844

Hargeysa, August 27, 2020- (Foore)- Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah ee Somaliland ayaa maanta qaraar ka soo saartay dacwaddii Madaxweynaha Somaliland u gudbiyay dhawaan ee ku saabsanayd nidaamka doorashooyinka Golaha wakiillada.

Maxkamadda sare waxa ay meesha ka saartay Arrintii uu Madaxweynuhu doonayay in laga saaro xeerka doorashooyinka Wakiilada ee soo baxay sannadkii 2005 gaar ahaan inta u dhignayd “Doorashadan oo kali ah” oo wakhtigaasi ahayd in doorashada wakiilada 2005 sidaasi uun lagu galo waxaanay sidaa maxkamaddu ku xalaalaynaysaa in doorashada sannadka dambe la filayo in lagu galo sidii tii hore ee 2005 oo aan waxba laga baddalin saamin qaybsiga buuqu ka taagnaa muddooyinkii dambe.

Akhri Qaraarka Maxkamadda Sare soo saartay Maanta:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here