Dabar Go’ Ku Socda Dugsiyada Qur’aanka Lagu Barto Iyo Korodhka Dugsiyada Maaddiga ah– Qalinka: Cali Coomay

0
62

Ka hor inta aynaan mowduuc u gelin, haddii ay dib taariikhda u yar celino. Intii u dhaxaysay sannadihii 1884 ilaa 1910 wuxuu Ingiriisku dhulka Soomaalilaan keenay waxbarasho Kiristaameyn wadata. Waxbarashaddani waxa ay bilowgii hore ka hanaqaaday laba dugsi oo ku yaallay Berbera oo kala Dhaymoole iyo Mijacaseeya. Markii ay dugsiyadaasi in muddo ah furanaayeen ayaa laga war helay inay goobahan ka socoto Kiristaameyni carruurta lagu gaalaynayo. Aakhirkii waa lagu kacay dugsiyadii gaalaysiinta waxaana albaabada loo xidhay horraantii sannadkii 1910-kii. Wixii intaa ka dambeeyey wuxuu Ingiriisku go’aansaday inuu kor u qaado dugsiyada lagu barto maadiga si looga mashquulo dugsiyada diinta Islaamka lagu barto.

Wakhtiyadii dambe waxa soo baxday in mushaharka macalinka maadiga dhiga laga sarraysiiyo kuwa diinta Islaamka dhigo. Siyaasadaasi ilaa maanta way xoog badan tahay. Wixii ka dambeeyey baraarugii dugsiyadii Kiristaameynta lagu baranayey ee meesha laga saaray, shicibkii reer Soomaalilaan gaar ahaan culimadii wakhtigaasi joogtay waxa ay dagaal af iyo adin kula dagaalameen nooc kasta oo waxbarasho maadi ah, waayo waxa ay qabeen shakigii hore ee maadiga diinta Kirisitaanka loogu daray. Aakhrikii xitta markii lagu gudo jiray ololihii afsoomaaligii waxa a culimada qaarkood ay yidhaaheen ‘ LAATIIN LAA DIIN’.

Intii haddii aynu kaga nimaadno wixii hore u dhacay. Maxaa haatan taagan? Qiyaastii 9-kii sanno ee ugu dambeeyey waxa xidhmay tiro badan oo dugsi Qur’aan ama Malcaamado Qur’aan, waxaana loo beddelay dugsiyo maadi ah. Sidoo kale waxa yaraaday Madarasadihii lagu dhigan jiray maadooyinka carabiga ah ee maadiga ah iyo kuwa diintaba. Waxa xaafad kasta laga furay dugsiyo maadi ah oo af-Ingiriis wax ku dhigaya, oo si fool xun u tartamaya, kuwaasi oo saameyn weyn ku yeeshay dugsiyadii Qur’aanka sida khaaska ah loogu baran jiray. Dhabaatooyinka albaabada u laabay dugsiyada Qur’aanku waxa weeyi iyada oo macalinka la siiyo mushahar ka yar ka maadiga dhigaya, iyada oo ay inta badan dhacdo in isla dhismaha dugsiga Qur’aanka lagu dhisay waqfi oo maamulaha aanay wax lacag ahi ka gelin. Halka dugsiyada maadiga ahi ay intooda badani kiraystaan dhismayaasha ay dugsiga ka dhigayaan. Shaki kuma jiro inay kala badan yihiin lacagta ardayga laga qaadayo, oo mar kasta ay sarrayso kan maadiga ahi.

Xaafado dhan oo Hargaysa ku yaalla waxa gebi ahaanba dugsiyadii Qur’aanka loo beddelay dugsi maadi ah oo af-Ingiriisi waxa ku dhigaya. Waxaana raadis lagu helayaa dugsi Qur’aanka lagu barto oo furan. Waxa iyana lagu dabajiraa oo dhawaan meesha ka bixi doonta siday ku socoto madarasadihii lagu baran jiray maadiga ee af-carabiga ku bixi jiray, oo in badan oo ka mid ahi oo Hargaysa ku yaalla ay durba maadooyin badan ay u beddeleen inay ku baxaan af-Ingiriisi. Waxa aan xusuustaa maqaal uu nin aanu saaxiibo naha qoray oo ciwaankiisu ahaa ‘INGIRIIS UUN WAX KU CUN’. Rasuulku SCW wuxuu yidhi “Waxa idiinku khayr badan kiina Qur’aanka barta dadkana bara”. Aragtidayda dhawrkan qoddob ee soo socda ayaa keenay inay dabar Go’ ku dhawaadaan dugsiyadii Qur’aanka iyo madarasadihii maadiga af-carabiga ku dhigayey:

= Dugsiyadii gaarka loo lahaa ee af-Ingiriisiga wax ku barayey carruurta oo maado ahaan Qur’aankii u dhigaya, taasina waxa ay meesha ka saartay in ardayga la geeyo dugsi Qur’aan. Waalidkii wuxuu si fudud kuu odhanayaa iskuulka ayuu Qur’aanka ku dhigtaa. Hadda ogow oo hal maado Qur’aanku kuma filna ardaygii la doonayey inuu si waafi ah Qur’aanka u dhigto.

= Maamulayaashii iyo macallimiintii dugisyada Qur’aanka haystay markii ay ardaydii ka dareersadeen dugsiyadii af-Ingiriisiga waxa ku dhigayey, waxa iyana go’aansadeen inay tartanka dhinacooda ka raacaan, oo waa kuwaa dugsi Qur’aankii dugsi maadi ka dhigay.

= Maamulihii dugsi Qur’aanka oo macaash doon noqday, halka markii hore Malcaamaha Qur’aanka uu macallinku ka heli jiray wuxuu ku noolaado oo aan mushahar dhaafsisanayn.

= Culimadii dugsi Qur’aanka ama madarashada masuulka ka ahayd oo iyaga laftoodi u shaqo tegay dugsiyadii maadiga ah ee gaarka loo lahaa. Tiro ma leh in maamule dugsi Qur’aan ee macalin ka noqday dugsi gaar loo leeyahay.

= Fasallada barbaarinta ee KG-ga loo yaqaano oo meesha ka saaray carruurtu markay afar sanno gaadhaan ee la geyn jiray malcaamadda. Waxa maanta toos loogu daraa dugsi maadi ah oo KG uga bilaaba.

= Waxbarashaddii jaamacadaha oo af-Ingiriis ah dhammaanteeda, marka laga reebo mid ama laba jaamacaddood.

= Shaqooyinkii fiicnaa oo af-Ingiriisi lagu qaado, marka ay timaado tartan loo galo shaqo.

= Dalalka reer galbeedka oo joojiyey ama saameyn ku yeeshay lacagihii faraha badnaa ee ay hayadaha Islaamigu ku caawin jireen waxbarashada diinta Islaamka, ka dib markii ay xoogaysteen lacagaha ay isticmaalaan dagaalyannada Islaamiyiinta adduunka ka dagaalamaa.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

 Hargaysa, Soomaalilaan

 Calicoomay@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here