Ololihii Doorashooyinka Dalka Tanzania Oo Maanta Si Rasmi Ah Loogu Dareeray + Cidda Tartamaysa

0
604

Darasalam, August 26, 2020- (Foore)- Ololaha doorashada waddanka Tanzania ayaa maanta oo Arbaca ah si rasmi ah uga bilaabmay magaalooyinka kala duwan ee dalkaasi Tanzania, iyadoo lagu wado in doorasho guud ay ka qabsoonto dhammaadka Bisha soo socota ee October.

Madaxweyne John Magufuli, oo doonaya in dib loo soo doorto, ayaa waxaa la tartami doona 14 musharrax. Waxaana la saadaalinayaa in ay noqoto doorasho xiiso badan oo faraqa la isku dhago inkasta oo dadka qaar ku doodi karaan in laga yaabo in aqlabiyad dib loogu soo doorto xisbul xaakimka.

 Xisbiga talada haya ee CCM ayaa tobnaan sano saameyn ballaadhan ku lahaa siyaasadda Tanzania. Mucaarad isbahaystay ayaa doorashadii hore aad ula loollamay xisbiga.

Balse musharraxiinta mucaaradka ee kala qoqoban ayaa sannadkan fursad weyn u noqon doonta madaxweyne Magufuli oo isku arka shakhsiga ugu habboon ee dalkaasi hogaankiisa sii hanan kara.

Dhinaca kale Mr Magufuli ayaa aad loogu ammaanay inuu yahay nin isbeddel wada markii uu xilka dalkaas qabtay shan sano kahor, balse waxaa tan iyo markaas loo soo jeediyay eedeymo badan.

Bishii June wuxuu si lagu muransan yahay ugu dhawaaqay in coronavirus laga cidhibtiray Tanzania iyadoo la adeegsanayo ducooyin iyo daawo dhaqameed taasi oo uu kala kulmay cambaarayn caalami ah ah iyo mid gudaha dalkiisaba ah. Inta badan dadka Tanzania ayaa tan iyo markaas dib u bilaabay ganacsigooda.

Doorashada sannadkan ayaa lagu wadaa inay noqoto mid loollan adag wadata.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here