Cudurka Jadeecada Oo Laga Cidhib Tiray Goobtii Ugu Darneyd Adduunka Ee Ay Ka Dillaacday

0
618

Kinashasa, August 26, 2020- (Foore)- Dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo ayaa sheegtay in dilaacitaankii ugu ba`naa ee cudurka jadeecada oo dilay in ka badan 7,000 oo carruur haatan la soo afjaray kadib markii dadaalo caafimaad oo lagu guulaystay lagaga adkaaday cudurkan halista ah ee caruurta waxyeeleeya.

Dadaallo lagu doonayay in lagu joojiyo faafitaanka jadeecada dalkaas ayaa waxaa carqaladeeyay adeegyada caafimaad oo aan wanaagsaneyn iyo sidoo kale colaado.

Khubarrada caafimaadka ayaa sheegay in tirada rasmiga ah ee dhimashada ka dhalatay jadeecada ay ka badan karto intaas, maaddaama aan kiisas badan la diwaan gelin.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa`id oo uu ku qabtay caasimadda dalkaas, Kinshasa, ayaa Wasiirka Caafimaadka, Eteni Longondo, wuxuu sheegay in jadeecadu aysan haatan ka jirin Congo.

Inkastoo weli aysan khubarrada caafimaadkuweli xaqiijin arrintan, haddana waxay ku soo aadeysaa kaddib markii olole tallaal oo ballaaran la fuliyay sanadkii hore, kaas oo lagu tallaalay ugu yaraan 18 milyan oo carruur ah.

Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo ayaa la daalaa dhacayay dillaacitaanka ajdeecada tobankii sano ee ugu dambeeyay, balse caabuqa ayaa aad u faafay bishii June ee sanadkii hore wuxuuna saameyn ballaaran ku yeeshay hannaanka caafimaad ee dalkaas ee liita.

Shaqaalaha caafimaadka ayaa sanadkii hore la daalaa dhacayay la tacaalidda jadeecada, dabeysha, daacuunka, coronavirus, iyo Ebola.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here