Garoowe, August 26, 2020- (Foore)- Magaalada Garowe ee xarunta gobalka Nugaal waxaa ku shirsan Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo safar ku tagay magaaladaas.
Labadaan Madaxweyne ayaa qaadacay natiijada Shirkii Dhuusamareeb 3 waxaana socda kulamo ay kaga tashanayaan khilaafka ka dhashay arrimaha doorashada iyo waqtiga kala guurka ah.
Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Warbaahinta, Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa diidan afar qodob oo ku jira shirkii Dhuusamareeb waxaana qodobadaasi ay kala yihiin.
1) – In laga saaro qodobka sheegaya in doorashada lagu galo cisbi, lagana dhigo ergo kaliya.
2) – In guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka meesha laga saaro lana magacaabo guddi doorasho oo heer maamul goboleed iyo heer federaal, laakiin lagu heshiiyo.
3) – In ergada laga dhigo 101 qof, soona xulaan odayaasha dhaqanka oo keliya, lana baabi’iyo kuraasta la israacinayo.