Xildhbaannada Beelaha Awdal Iyo Sanaag Bari Ugu Jira Guurtida Iyo Wakiillada Oo Wacad Ku Maray Inaanay Aqbalayn Go’aan Kasta Oo Maxkamadda Sare Kasoo Baxa

0
630

Hargeysa, August 24, 2020- (Foore)- Qaar ka mid ah xildhbaannada Golaha Baarlamanka ee Guurtida iyo Wakiillada Somaliland ku matala Gobollada Galbeedka iyo Bariga ayaa si adag u naqdiyay Go’aanka Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu ugu gudbiyay Maxkamadda Sare dacwadda la xidhiidha xal ka gaadhista Muranka qabsoomidda doorashooyinka Somaliland ee gaar ahaan la xidhiidha saami qaybsiga ay muddoba cabashadu ka taagan tahay. Xildhibaannadan oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Baarlamanka Somaliland ayaa si adag waxa ay uga hadleen cabashada la xidhiidha saami qaybsiga kuraasta Wakiillada ee Gobolada Galbeedka iyo Barigu ay qabaan.

Xildhibaannada ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin in aanu Madaxweynuhu iska xil saarin arrinka xal ka gaadhistiisa sidoo kalena ay qalad ahayd in uu dacwad u gudbiyo Maxkamadda sare oo ay sheegeen in aanay arrinkan ku shuqul lahayn maadaama uu yahay arrin siyaasadeed oo la xidhiidha saami qaybsiga beelaha bariga iyo Galbeedku ka cabanayaan waxaanay yidhaahdeen: “Sannadkii 1993-kii markii la joogay shirkii Boorama xeerkii axdi qarameedka ahaa kumaanu qasbin beesha dhexe in wax lagu qaybsado oo halkaa lagu qorto sida Jabuuti oo kale. Waxbaanu dhawraynay oo xaq-dhawr baanu haynay. Heshiis majuur ah ayaanu la galnay.  Waxani meelahan ku qorani waa hadal haddaan la dabbaqayn sida maanta nagu dhacday ee walaalahayo sameeyeen. Waxa nagu dhacday la jiifiyaana bannaan la joojiyaana bannaan. Waxan la isku hayaa waa masiir ummadeed. Masiir umadeedna maxkamadi go’aan kalideed kama gaadho. Maxkamadi ma odhan karto waxaa iyo waxaa ayaan ka soo saaray waayo waa masiir ummadeed. Waxa ay noqonaysaa in lagu noqdo sharciga iyo dastuurka aan dhiganay oo la soo wada fadhiisto gogosha. Waa in laga wada tashadaa oo wax la isaga ogaadaa oo xal laga gaadhaa oo ay soo saaraan sharci lagu wada faraxsan yahay. Waxaanay arrintu u taallaa oo masuuliyadda ugu sarraysa leh Madaxweynaha qaranka Somaliland. Masiir umadeed haddii ay Maxkamadda sare iska tidhaa reer Hebel intaasi ha yeeshaan oo sidaa ha u faquuqnaadaan oo saamigoodu sheerkaa ha ahaado. Barnaamijka la isku hayaa ma aha wax kale waa barnaamij siyaasadeed ee ma aha mid dastuuri ah iyo maxkamad toona waxa ay ahayd wax la xidhiidha awood qaybsiga beelaha. Wax maxkamadi go’aan ka soo saari kartaa annaga nooma muuqdo” ayay yidhaahdeen Xildhibaannada Golaha Wakiillada iyo Guurtida ee arrintan ka hadlayay shalay.

Xaaladda khilaafka qabsoomidda doorashada Golaha Wakiillada ayaa ah mid muddoba ka taagan Somaliland iyada oo Gobolada Awdal iyo Kuwa bariba cabasho xooggan ka qabaan saamiga ay ku leeyihiin Kuraasta Golaha Wakiillada waana caqabadda ugu culus ee hor taagan qabsoomidda doorashadan illaa imikana lama oga halka ay xaaladdan ku dambayn doonto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here