Rikoodhka Culus Ee Aanay Cidina Hawaysan Karin Ee Bayer Munich U Dhigtay Kooxaha Yurub

0
604

Lisbon, August 24, 2020- (Foore)- kooxda kubadda cagta waddanka Jarmalka ee Bayern Munich waxay xalay ku guuleystay koobkeedii lixaad ee Champions League, waxaanay ku darsatay rikoodho ay adag tahay in la jabiyo oo ay ka dhigtay xilli ciyaareedkan tartankaas.

Kooxda reer Germany ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay ee dhamaan soo wada badisa kulamadii Champions League bilow illaa dhamaad, isla markaana si xarrago leh ku qaadata koobka iyagoo cid walba qiraysa inay tahay naadiga u qalmaya ee xaqa u lahaa in ay koobkaasi xalay la hoydaan.

Wareeggii koowaad ee Groups-ka waxay ka soo shaqaysteen 18 dhibcood lixdii ciyaarood ee uu ka koobnaa, waxaana ku jiray kulankii ay sida weyn u burburiyeen Tottenham oo ay celceliskii labada lugood ku garaaceen 7-2. Wareegan waxay kaga soo baxeen kaalinta koowaad iyo 19 gool oo nadiif ah.

Markii ay usoo gudbeen wareegga 16ka, waxay isku dhaceen Chelsea oo kulankii hore ay ku garaaceen 3-0 ka hor intii aanu Fayraska Korona bilaabmin, waxaanay ciyaartii labaad ugu dareen 4-1, taas oo ka dhigan in isku darka labadii lugood ay kaga soo badiyeen 7-1.

Wareeggii xigay ee siddeedda ayay xasuuqa halkiisa kasii wadeen, waxaana Barcelona oo ay isku dhaceen ay ku xasuuqeen 8-2, ka hor intii aanay semi-finalka soo karbaashin Lyon oo ay 3-0 kusoo dhirbaaxeen.

Iyagoo xasuuqyadaas soo geystay ayay Bayern Munich iyo xiddigaheedu yimaaddeen finalka oo lagu qabtay magaalada Lisbon, waxaanay ku kulmeen PSG oo ay kaga badiyeen 1-0, waxaana goolkan u dhaliyey Kingsley Coman oo kasoo baxay kulliyadda da’yarta PSG.

Sidaas ayay ku dhigtay Bayern Munich rikoodh aanay cidina uga horreynin, sidoo kalena ay adag tahay in la jabiyo oo ah in dhamaan 11kii ciyaarood ee tartanka Champions League ay soo badiyeen, koobkana ay qaadeen iyadoon hal marna la qabanin. Waxa intaas u dheer inay soo dhaliyeen goolashii ugu badnaa oo ay shabaqa soo taabsiiyeen 43 gool 11kaas ciyaaarood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here