Hargeysa, August 24, 2020- (Foore) – komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa soo saaray qoraal ay ku shaaciyeen mudada ku qabanayaan Doorashooyinka Wakiiladda iyo Goleyaasha Deegaanka oo muddo dhaafay.
Inkasta oo ay komishanku sheegeen inay muddo sagaal bilood ah ku diyaarinayaan sidii ay si rasmi ah dalka uga qabsoomi lahaayeen doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Wakiiladda oo dhawr jeer oo hore dib loo soo riixay haddana Qoraalkooda ay shalay soo saareen waxay ka muuqda war war ay ka qabaan in loo waayo imkaaniyaadka ugu mihiimsanaa ee ay Doorashooyinkani ku qabsoomi karaan.
Warsaxaafadeedkan ay Shalay soo saareen ayaa waxa ay Komishanka Qaranku hawl qabadkooda ku aadan diyaarinta doorashooyinka deegaanka iyo wakiiladda u qaybiyeen saddex qorshe kuwaasi oo ay soo kala horaysiiyeen, islamarkaana ay ukala qaadeen, Diyaar garawga guud ee diwaangalinta Codbixiyaasha, Qabsoomidda diwaangalinta Codbixiyaasha iyo qaybta sadexaad oo ay ku sheegeen, qabsoomidda doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiiladda taasi oo ay ku muujiyeen inay wakhtigaasi ku diyaarin karaan.
Haddaba Qoraalka ay ku soo gunaanadeen Warsaxaafadeedkooda ayaa waxa uu shaki weyn ku abuurayaa kalsooni buuxda oo laga qaato wakhtiga ay cayimeen inay doorashooyinkaasi ku qabsoomaan. Waxay si cad u sheegeen arinta laf dhabarka u ah qabsoomida Doorashooyinkan aanay iyaga gacanta ugu jirin islmarkaana waxay war war galiyeen inaanay suurtagal ahayn inay doorasho qabsoonto arimahaasi la’aantood.
Waxay sheegeen inaanay dhaqaale iyo sharci toona illaa hadda u haynin doorashooyinka. Waxay qoraalkooda ka mid ahaa“jadwalkani waxa uu ku mudaysan yahay muddo 9 – bilood ah,waxaana fulintiisa iyo hawlgalkiisa lafdhabar u ah dhamaystirka Sharci iyo dhaqaale”.