Garyaqaan Sharci Darro Ku Tilmaamay Dacwadda Madaxweyne Muuse Biixi U Gudbiyay Maxkamadda Sare

0
763

Hargeysa, August 24, 2020- (Foore)- Garyaqaan Mubaarik Ibraahim Aar oo ka mid ah sharciyaqaannada waddanka ayaa sharci darro waxa uu ku tilmaamay dacwadda Distooriga ah ee Madaxweynaha Somaliland dhawaan u gudbiyay Maxkamadda Sare ee dalka taasi oo la xidhiidha qabsoomidda doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo muranka la xidhiidha caqabadaha doorashooyinka isaga oo sheegay in gabi ahaanba arrintaasi maxkamadda loogu gudbiyay tahay mid baal marsan shuruucda waddanka maadaama aanay ahayn arrin dastuuri ah ee ay ahayd arrin siyaasi ah.

Garyaqaan Mubaarik Ibraahim Aar waxa uu sheegay in dhibaatada jirtaa tahay khilaaf siyaasi ah oo la xidhiidha cabashooyinka ay Goboladeena qaarkood ka qabaan saami qaybsiga Kuraasta Baarlamanka ee aanay jirin Khilaaf Dastuuri ah oo sharci ahaan maxkamadda Dastuuriga ah la iskula tagi karaa.

Garyaqaan Mubaarik Ibraahim Aar oo Telefishanka SAAB kula hadlayay shalay Magaalada Hargeysa waxa uu yidhi: “Waxa aynu ognahay in cabashadii saami qaybsiga loo gudbiyay Maxkamadda sare ee Dastuuriga ah. Marka aynu eegno sharciga waddanka waxaan idiin sheegayaa in uu yahay arrin sharci darro ah oo aan waafaqsanayn shuruucda waddanka. Sababta aanay sharciga waddanka u waafaqsanayn waxa weeyaan Golaha xukuumadda ee uu maamulo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa ay sameeyeen xeerkii Doorashooyinka qaranka iyada oo ay isku qabteen xeerkii doorashooyinka Wakiillada Iyo Deegaammada oo mid la isaga dhigay ayaa Golaha wasiirrada la geeyay waanay ansixiyeen. Xeerkii markii ay ansixiyeen waxa ay u gudbiyeen Baarlamanka. Xeerkan ay ansixiyeen ee ay u gudbiyeen Baarlamanka ee imika horyaalla Baarlamanka waxa ku jira qodobadii saami qaybsiga waxaana lagu saleeyey sidii hore in lagu sii galo. Maadaama haddaba xeerkaasi Golaha hor yaallo oo uu xaq u leeyahay in uu ka go’aan gaadho, sharci ma noqonayso in lagu furo maxkamad distoori ah. Sababtuna waxa ay tahay qodobka 77 ee Dastuurka Somaliland waxa uu sheegayaa haddii Madaxweynaha Somaliland uu ku qanci waayo oo uu arko Golaha wakiilladu xeerka ay soo saaraan in aanu sharciga waafaqsanayn ama uu dastuurka jabinayo hadduu Madaxweynuhu taasi ku qanco waxa uu xaq u leeyahay inuu markaa maxkamadda distooriga ah u gudbiyo oo ay markaa maxkamaddu ka jawaabto. Laakiin haddaba Baarlamankii oo aan wali ka doodin walina aan xeerkii soo saarin isagu in uu ka hor dhaco oo uu Maxkamaddii Dastuuriga ahayd u gudbiyo xeerkii taasi lama ogola. Sida uu qodobkaasi 77aad ee Dastuurku dhigayo waa in ay marka hore Golaha Baarlamanku xeerkii soo saaraan marka ay soo saaraan haddii Madaxweynuhu qodobada ay soo saareen u arko in aanay dastuurka waafaqsanayn waliba qodobada ay iyagu soo ansixiyeen haddii uu saluugo ayuu u gudbinayaa laakiin iyada oo aan xeerkii la keenin in uu isagu ka hor dhaco oo Maxkamaddii dastuuriga ahayd u gudbiyaa taasi sax ma aha”.

Garyaqaan Mubaarik Ibraahim Aar ayaa haddaba faahfaahin ka bixiyay wakhtiga iyo sababta ay sax tahay in Maxkamadda Dastuuriga ah dacwad loo gudbiyo waxaanu yidhi: “Xeerka nidaamka garsoorku qodobkiisa 38aad waxa uu sheegayaa goorta la gudbin karo dacwad Dastuuri ah maxkamadda sare. Shan xaaladood ayaa la gudbin karaa dacwad distoori ah xaaladda koowaad waxa weeyaan haddii ay cabasho ka taagan tahay go’aan ka soo baxay golayaasha dawladda taasi waa laga gudbin karaa dacwad dastuuri ah. Ta labaad haddii la isku qabto tafsiirka qodob sharci ah ama distoori ah ayaa loo gudbin karaa maxkamadda Distooriga ah. Xaaladda saddexaad waxa weeyi haddii la isku khilaafo waafaqsanaan la’aanta qodob sharci ee Distoorka, xeer in uu Distoorka waafaqsan yahay iyo in kale haddii la isku haysatana waa loo gudbin karaa maxkamadda Dastuuriga ah. Arrinka kale ee kale waxa weeyaan haddii qodob sharci lagu dhaqmi waayo oo dhaqan gal noqon waayo markaana maxkamadda sare waa loo gudbin karaa dacwad. Waxa kale oo loo gudbin karaa haddii khilaaf ka taagan yahay xuquuqdii aasaasiga ahayd. Shantaa xaaladood baa loogu gudbin karaa balse xaaladda imika taagan ee xukuumaddu ay sheegtay in ay ugu gudubtay waxa ay yidhaahdeen xeerka Golaha Wakiiladu qodobkiisa 12aad ayaa waxa uu sheegayaa in xeerka saami qaybsiga lagu galo uu sheegayo in hal mar lagu galo. Haddii sidaa la sameeyo ayay leeyihiin in aanay doorasho qabsoomayn. Maanta khilaaf dastuuri ah ma jiro oo la isku haystaa laakiin waxaa jira khilaaf siyaasi ah oo la isku haysto saami qaybsiga kuraasta Baarlamanka oo ay Gobolada dalkeena qaar leeyihiin saamigii baa naga maqan taasi ayaa la isku haystaa”. Ayuu yidhi Guddoomiyaha Jaamacadda Badar ahna sharci yaqaan ka faallooda arrimaha siyaasadda iyo sharcigu Mudane Ibraahim Mubaarik Aar.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here