Dawladda Itoobiya Oo Sheegtay Inay Kordhineyso Isticmaalka Dekedda Berbera Iyo Dekedo kale oo Ku Yaalla Dalalka Geeska Afrika

0
611

Addis Ababa, August 24, 2020- (Foore)  –  Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay sare u qaadeyso tirada Dekadaha ay isticmaasho ee ku yaalo wadamada dariska la ah maadaama oo aanay iyadana laheyn wax Dekad ah.

Maareeyaha Dekedaha ee Dawladda Itoobiya Makonan Abarra ayaa sheegay in Dowladda Itoobiya oo hadda heshiis ku aadan isticmaalka dekadaha kula jirto wadamada Soomaaliland, Jabuuti iyo Suudaan  ay qorsheeneyso inay isticmaasho Dekado cusub maadaama ay kuwan ku filnaan waayeen.

“Maaddaama oo dalkeenu ballaaran yahay waxa muhiim ah in la adeegsado Dekedo badan oo wax lagala soo dego, waxaana la daraaseynayaa dhinacyada ugu habboon ee laga hirgelin karo Dekeddahaasi, Tusaale ahaan dhinaca galbeed, Koonfurtana tee ku habboon, sidoo kale bartamaha Dalka iyo bariga tee ku habboon, markaynu sidaa leeyahay waxa laga duulayaa Masaafada Koontiinnarada sida, mid kasta goobtee laga soo gelin karaa, markaana waxa la xadidayaa kharashaadkii ku bixi jiray dib u rarka.” Ayuu yidhi Makona Abara.

Makona Abara oo hadalka sii watay ayaa sheegay in Dekadaha ay hadda qorsheenayaan inay badiyaan isticmaalkooda ay kala yihiin  Jabuuti, Suudaan , Somaliland, Kenya iyo Eriteriyana.

“Illaa hadda Dekedaha aanu heshiiska la saxeexanay waxa ka mid ah Jabuuti, Suudaan iyo Somaliland, Kenya iyo Eriteriyana ayaa la qorshaynayaa, waxaanu qorshaynay inaanu ka faa’idaysano Dekedaha dalalka Deriska ah, iyadoo laga duulayo meel kasta goobta ku habboon ee alaabta laga soo gelin karo iyo alaabooyinka dalkeenu dhoofiyo goobta ugu habboon ee laga dhoofin karo.”

Makona Abara ayaa sidoo kale xusay in qorshahooda uu yahay sidii ay u badan lahaayeen tartanka Dekadaha, ayna door badiyaan inay isticmaalaan Dekado badan si ay u helaan qiimo jaban.

Dhinaca kale dhawaan ayay dawladda Itoobiya dib u soo magacawday wakiilkeeda cusub ee Somaliland u fadhiyi doona.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here