Bayern Munich Oo Noqotay Boqorada Yurub, Markii Lixaad Ayay Champions League Ku Guuleysteen & PSG Oo Murugo La Hooyatay

0
863

Lisbon, August 24, 2020- (Foore)- kooxda reer Jarmal ee Bayern Munich ayaa xalay ku guuleysatay koobkeedii lixaad ee Champions League ka dib markii ay 1-0 ku garaaceen Paris Saint-Germain kulankii finalka ee xiisaha badnaa ee ka dhacay magaalada Lisbon ee dalka Portugal.

Ciyaar la isku rafaaday ayaa waxaa go’aamiyay gool uu qeybtii labaad Bayern Munich u saxiixay Coman iyadoo Bayern Munich ay barbareysay rikoodha koobabka Champions League ee Liverpool oo ay min lix jeer wada qaadeen, halka AC Milan ay 7 jeer ku guuleysatay halka Real Madrid ay rikoodhka ku heyso 13 koob.

Bayern Munich ayaa qaaday koobka Champions League markii ugu horeysay tan iyo sannadkii 2013 oo ay ka qaadeen kooxda ay Bundesliga ka wada ciyaaraan ee Borussia Dortmund.

Qaybtii hore ee kulanka finalka UEFA Champions League ayaa ahaa mid xiiso badan laakiin ay labada kooxood khasaariyeen fursado cadaan ah oo ay goolal iskaga dhalin kareen.

PSG ayaa markiiba noqotay kooxda laga filan karayay goolal kadib markii ay culays wayn saartay difaaca Bayern Munich oo u muuqday kuwo argagax ka qaaday Mbappe, Neymar Jr iyo Di Maria laakiin xaalado layaableh oo ay PSG abuurtay waxaa goolal u diiday Manuel Neuer.

DAQIIQADII 19 AAD Fursadii ugu waynayd ee ciyaarta ayuu Neymar Jr ka helay Mbappe oo kubbad u hor dhigay goolka Bayern Munich hortiisa laakiin kubbada uu Neymar u arkayay in uu ku dhalinayo goolka furitaanka waxaa si layaableh uga joojiyay goolhaye  Manuel Neuer, waxa kale oo uu Neymar soo celiyay kubbada goolhayuhu joojiyay balse Bayern ayaa halis labaad oo gool noqon lahayd iska saartay.

DAQIIQADII 23 AAD BIRTA GOOLKA!! Bayern Munich ayaa jawaab toos ah ka bixisay goolka Neymar Jr laga badbaadiyay waxaana joogitaankiisa garoonka darbo cajiib ah ku muujiyay Lewandowski kaas oo kubbada ku garaacay goolhaye Keylor Navas balse waxay ku dhacday birta goolka oo ay ka soo booday!.

DAQIIQADII 25 AAD Dhibaato dhaawac ayaa soo gaadhay Bayern Munich kadib markii uu ciyaarta wadan kari waayay difaaca dhexe ee Jerome Boateng waxaana kaydka looga yeedhay Niklas Sule. laakiin waxaad shar moodayso oo wanaag ah ayaa jira wuxuuna Sule xasiliyay difaacii naxsanaa ee Bayern Munich.

DAQIIQADII 32 AAD Lewandowski ayaa markii labaad ku dhawaaday in uu dhaliyo goolka furitaanka ciyaarta laakiin karoos uu ka helay Gnabry oo uu madaxa ku ku darbeeyay ayuu goolhaye Navas iska joojiyay.

Ciyaarta ayaa noqotay mid isku dheeli tiran oo ay labada kooxoodba weeraro fursad abuuris leh samaynayeen laakiin wali waxaa meesha ka maqnayd in shabaqa la gaadho.

DAQIIQADII 45+1 Alla maxay fursad khasaarin ahayd! PSG ayaa qalad lama filaan ah ka heshay Bayern Munich waxaana kubbad aan la rumaysan karin goolka Bayern Munich hortiisa Herrera u dhigay Mbappe laakiin kubbada goolka loo fishay ayuu goolhaye Manuel Neuer ka joojiyay in ay shabaqa gasho.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro gool la’aan ah laakiin fursadaha ay PSG heshay ayaa ahaa kuwa ugu halista badnaa marka laga reebo darbadii uu Lewy ku garaacay birta goolka PSG.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayay Bayern Munich soo laabtay iyada oo soo saxday meelihii ay dhibaatadu ka haysatay waxayna bilawday in ay kubbada si fiican iskula jiibiyaan.

DAQIIQADII 59 AAD Bayern Munich ayaa ugu danbayn jabisay ismari waagii ciyaarta waxaana goolka muhiimada khaaska h u lahaa Bavaria u saxiixay Kingsley Coman oo darbo madax ah ku garaacay Keylor Navas kadib markii uu caawin ka helay Kimmich waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Bayern hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

DAQIIQADII 65 AAD Tababare Thomas Tuchel ayaa ciyaarta soo galiyay Marco Verratti wuxuuna saaray L. Paredes waxayna PSG bilawday in ay goolka barbaraha raadiso balse Bayern Munich ayaa ku fikiraysay in ay goolka labaad ku aamusiiso PSG.

Daqiiqadii 68 aad tababaraha Bayern Munich ayaa aduunka kaga yaabsaday in uu ciyaarta ka saaray  xidiga goolka u dhaliyay ee Coman oo dhinaca bidix ee PSG soo burburiyay wuxuuna booskiisa ku soo buuxiyay  Perišić. Waxa kale oo ciyaarta soo galay Philippe Coutinho iyada oo la saaray Gnabry oo maqane jooga ciyaarta ku ahaa.

Goolkaan waxa uu ahaa goolkii 500aad ee ay Bayern Munich ka dhaliso Champions League, waa kooxda seddexaad ee tiradaan goolal ka dhalisa koobkaan ka dib Real Madrid (567) iyo Barcelona (517).

DAQIIQADII 71 AAD PSG ayaa ugu dhawaatay in ay ciyaarta ku soo laabtay kadib markii uu Di Maria kubbad dilaa ah u bixiyay Marquinhos laakiin xidiga reer Brazil ayaa arkay kubbada uu goolka ku dhalin lahaa oo uu goolhaye Neuer uu joojiyay.

PSG waxaa ciyaarta u soo galay Draxler, Kurzawa iyo E. Choupo-Moting waxaana la saaray Juan Bernat, Herrera iyo Angel Di Maria, waxaana la soo gaadhay 10 kii daqiiqo ee ciyaarta ugu danbeeyay.

Bayern Munich ayaa iyadana dhankeeda sameysay bedel kale daqiiqadii 85aad iyagoo soo gelisay Tolisso kaasoo bedelay xiddiga lala xiriirinaayo Liverpool ee Thiago Alcantara.

Daqiiqadii 1aad ee shan daqiiqo oo ciyaarta lagu daray PSG ayaa heshay fursad dahabi ah markii uu kubad rogaalcelis ah soo qaaday Mbappe isagoo u dhiibay Neymar laakiin kubada oo u baahneyd in shabaqa lagu taabto ayay kari weysay kooxda Faransiiska

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 1-0 oo ay Bayern Munich ku dardartay PSG islamarkaana ku xaqiijisatay hanashada koobka Champions League oo ay markii lixaad ku guuleysteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here