“Doorasho Dambe Oo Muuse Biixi Dabadii Dalka Ka Dhacaysa Ma Jirto, Reer Boorama Iyo Muusena Way Kala Fogaadeen”.Wasiirkii Hore Ee Boosaha Somaliland

0
503

Boorama, August 23, 2020- (Foore)- Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md. Maxamed Jaamac Abgaal ayaa sheegay in aanay shacabka Somaliland ku tala galin wax doorasho ah oo dalkan ka dhacda inta Madaxweyne Muuse Biixi joogo sida uu hadalka u dhigay marka la eego sida xukuumaddiisu u wajahayso Arrimaha doorashooyinka halka uu sidoo kale Siyaasi Abgaal si adag uga hadlay qaddiyadda saamiqaybsiga Gobolka Awdal ee uu ka soo jeedo oo uu ku tilmaamay mid sax ah oo aanay dadka reer Awdal arkayn dawladnimo la wada leeyahay.

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md. Maxamed Jaamac Abgaal oo waraysi gaar ah Boorama ku siiyay Telefishanka HCTV waxa uu yidhi: “Reer Awdal tabashada ay qabaan way ka hadlayeen waxa ay lahaayeen waxbaa dhiman. Laba qolo ayay u kala jabeen. Labada qolo waxaabad mooddaa in ay qolo fogayd. Qolada leh waxbaan galaynaaba ayaaba fog oo ay quusi ka muuqataa. Qolona waxa ay leedahay waar waxbaan ka qaban karnaaye doorashada yaynaan galin. Markaa ta guud waa laga siman yahay in reer Awdal saami qaybsigooda helaan waa laga siman yahay. Halkan (Boorama) maalmahan waxa socotay doorashada waan galaynaa iyo gali mayno. Waxaan haddaba odhan lahaa nimanyohow, garoonkaa aad kubadda ku ciyaaraysaan ee ah ciyaarta ah waan galaynaa doorasho iyo ma galayno waxaan idin leeyahay waa garoon bilaa biro ah, waa garoon bilaa daawadayaal ah. Garoonkaasi waa mid bilaa siidhiwale ah. Maxaa yeelay maba aha garoon lagu kala badin karo. Somaliland doorasho dambe oo la qabanayo Muuse Biixi dabadii oo cid lagu kaal dooranayo oo cid loo kala tirinayo maba jirto ani xaggayga ma jirto dad badan baa wax odorosa. Qaabka xukuumaddani wax u waddo marka aad eegto weeyi”.

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md. Maxamed Jaamac Abgaal oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Reer Boorama waxaan leeyahay waar waxaad ii kala saartaan afar Arrimood. Reerkan ballaadhan ee Isaaq ee aan deriska nahay iyo Madaxweynahan kalidii ah ee Muuse Biixi Cabdi yaanay isaga kiin laaqmin. Waxa ay meesha ka saari doontaa taasi hebelo soo booda marka aanu nidhaa waxbaa naga maqan oo yidhaa annaga ayaa idinka badan. Kuwo yidhaa annaga ayaa u soo dagaalannay. Kuwo yidhaa 8 sano ayay Madaxweyne ahaayeen maxay doonayaan”.

Siyaasi Abgaal ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo shacabka Gobolka Awdal ay kala fogaadeen waxaanu yidhi: “Madaxweyne Muuse Biixi iyo Reer Awdal way is dhaafeen. Inaan wax ka sheegno, in aan wax ka diidno iyo inaan la doodno way bannaan tahay. Waar dalkan aniga ayaa leh dalkan Somaliland la yidhaa aniga ayaa leh. Cidna marti ugama ihi. Bari illaa galbeed baan soconayaa nabadiisa iyo ammaankiisa ayaan ka shaqaynayaa geed kasta waa la iiga talin karaa balse dawladdan yar ee maanta dalka Somaliland ka jirta lama wada laha. Dawladnimadaa lama wada laha. Doorashada si dhib yar baa loo gali marka taa xaqeeda iyo caddaaladeeda la helo doorasho waa la gali waayo dadka ayaa u baahan, dalka ayaa u baahan”.  Ayuu yidhi Maxamed Jaamac Abgaal.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here