Maxaad Kala Socotaa Qaabkii Saddaam Xuseen Uga Fal-celiyey Weerarkii Israel Ku Qaadday Warshadihii Dalkiisa?

0
819

Baghdad, August 22, 2020- (Foore)- Markii ay xaqiiqo noqotay ee weerarkii ku habsaday dalka Ciraaq ee muddo kooban ay diyaaradaha dagaalka ee Yuhuuddu ku burburiyeen dhammaanba saddexdii warshadood ee isku garab yaallay ee Tamuuz oo ahaa warshadihii ku shaqaynayay quwadda Nukliyeerka ee la doonayay mustaqbalka in ay Ciraaq ku farsamayso in ugu dambayn ay warshadahaasi soo saari karaan Hubka Nukliyeerka waxa uu weerarkaasi aad uga cadhaysiiyey Madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq.

Madaxweynihii wakhtigaasi dalka Maamulayay Madaxweyne Saddaam Xuseen Ilaahay ha u naxariistee mar Alla markii uu soo gaadhay warka sheegaya in Israel weerar ku burburisay dhammaan warshaddii Tamuuz waxa uu noqday mid baddalmay oo aad uga xumaaday falkaasi weerarka ah ee Israel ku qaadday warshadaha.

Taariikhda la xidhiidha dhacdadani waxa ay sheegtaa in Saddaam Xuseen oo wakhtigaasi ku sugnaa qasrigii looga talinayay waddanka Ciraaq uu cadho is madax maray illaa uu ku sigtay in dhiig kar ku dhufto.

Waxa uu garaacay gidaarka xafiiskii uu ku sugnaa isaga oo qaylinaya. Waxa uu amar ku bixiyey in degdeg loo geeyo goobta warshadda ee weerarku ka dhacay. Saddaam Xuseen oo madaxdii ugu sarraysay dalka Ciraaq iyo saraakiishii ciidamada wataa waxa ay 15 daqiiqadood kadib markii weerarku dhacay ay isa soo taageen goobtii diyaaradaja dagaalka Yuhuuddu burburiyeen ee warshadda Tamuuz.

Waxa uu Saddaam Xuseen noqday mid amar degdeg ah ku bixiyey in la soo qabqabto 14 nin oo uu ku eedeeyey in ay dayaceen masuuliyaddii difaaca dalkooda gaar ahaan ammaanka warshadaha kuwaasi oo isla markiiba la soo qabqabtay. Saddaam Xuseen markii loo xaqiijiyey in la soo qabqabtay raggii uu sida gaarka ah u calaamadiyey waxa uu amar ku bixiyey in la xukumo oo degdeg loo khaarajiyo kuwaasi oo isla subaxnimadii xigtayba lagu fuliyey dilal daldalaaad ah iyaga oo ku eedaysan in ay gabeen hawshii ammaan ee ay umaddooda reer Ciraaq u hayeen kuwaasi oo wada ahaa saraakiil sarsare oo ciidamada Milatariga iyo sirdoonka qarankaba  ka wada tirsanaa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here