Cilmi Baadhis Caafimaad Oo Cusub Oo Lagu Sheegay 10 Arrimood Oo Aad Iskaga Yareyn Kartid Qulubka!!

0
712

Walwalka badan (Stress) waa mid khatar ku ah nolasha qofka aadanaha ah kaas oo sababi kara  in qofka caafimaadkiisa iyo miisanka jidhkiisu uu lumo isla mar ahantaana farxadda iyo fir fircoonida qofku uu lahaa gabi ahan ka suusho, walwalka badani  waxa kale oo ka dhasha cunto xumo, hurdo la’aan , madax xanuun badan  iyo cadaadiska dhiiga oo heerkiisa sare u kaca ,si aan u macsalameyno  oo aan u yareeyno  stress-ka tobankan ayan kaga gudbi karnaa:

  1. Hurdo kugu filan: marka uu jirkagu daalan yahay maskaxda waxey halis ugu jirta waxyabo badan sida in daalka awgii ay ku xanuunto ama buuq inuu maskaxdaada ku furmo taa ayaa laga yabaa in ay stress kugu furto, si aad nasiino badan u hesho waa in aad qaadataa waqti kugu filan oo hurdo ah sida 8-7 saacadood.
  2. U sheeg naftaada waxyaabaha aad ka walwalsan tahay: markii aad naftaada u sheegto oo aad qeexdo caqabada ama dhibta ku haysa  oo aad ka fekarto talaboyinka ugu haboon ee aad qaadi  karto waxay kaa caawineysaa inuu kaa yaarado walwalkii aad qabtay
  3. Qor Caqabadaha Ama Dhibaatooyinka Kusoo Wajahay:  In aad qorta dhibta aad ka cabsi qabto waxay kaa caawin karta in aad xal badan oo wax ku ool ah hesho maxaa yeelay markii aad qorto oo aad rog rogto si qoto dheer oo feejigan ayaad u fakaraysaa taas oo kuu suura galineysa in aad hesho xal badan oo kaa maqnaa
  4. Neef Badan Qaado: Muddo dhan 3-illaa 2 daqiiqo markii aad si qoto dheer u qaadato Hawo fiican jidhkaagu waxa uu dareemeeyaa fir fircooni badan maskaxduna waxay ka heleysaa xasilooni.
  5. Isticmaal Waxyaabo Udgoon: nadaafadda iyo waxyabaha aadka u odgoon ayaa waxa ay qeyb ka qaatan caafimaadka , xasiloonida iyo farxadda  jidhka iyo maskaxda qofka aadanaha ah tani waxa ay yarayn karta walwalka iyo daganaansho la’aanta qofka. Islaamkuna si gaar ah ayuuba u dhiirri geliyey Udgoonka iyo nadaafadda waana Sunne.
  6. Leylinta Jidhka: haddii aad jeceshahay in aad jimicsi sameyso ama aad soo gucleyso aroortii waa  tan ugu fiican! maxaa yeelay jidhkaaga iyo maskaxdaadu waxa ay ka helayaan  caafimaad, istareex iyo fur furnan badan. Waxaanay daawo ka tahay istereska.
  7. Cabitaan Badan: Ruuxa marka uu soo wajaho walwal ama stress waxa hoos u dhaca miisaanka jidhkiisa taas oo ay sabab u tahay cunno xumida, jidhkaagu marka aanu helin biyo fiican waxa ay fursad u noqonaysaa in aad la kulanto gabowga maqaarka haddaba  wa in aad cabtaa cabitaano aad ka heli karto nafaqo sida Liin Macaanta, Casiirka Kaarootka iyo khudrada noocyadeeda kala duwan si jidhkaaga iyo maskaxdaadau ay u helaan caafimaad. sidoo kale Biyo badan ayaad u baahan tahay in aad cabto.
  8. Ku Fakar Waxyabo Ku Farxad Galiya: ku fakar waxyabo ku farxad galiya kuna dar meertaada noloshaada in aad faraxsanaato, ahow qof ay saadashiisa saldhig u tahay in uu ku fakaro waxyaabo wanagsan oo horumar iyo guul u horseedi kara. Khubaro badan oo cilmi nafsiga ku takhasusay ayaa laga wariyay in qofka aragtida iyo saadaasha wanaagsan uu ka caafimaad badan yahay dadka guul darrada aragtiyada xun qaata ee cabsi galiya naftiisa, ku fakar waxyaabo ku farxad galiya si aad u noqoto qof faraxsan oo bad qaba.
  9. Sare U Qaad Aqoontada Iyo Waayo Aragnimadada: waayo aragnimo yarida iyo aqoon daridu waxay kaalin ka qataan walwalka iyo daganaansho la’aanta ruuxa, waayo aragnimadaada iyo kobaca cilmigaagu waa kalsoonida  buuxda ee aad siin karto naftaada waxeyna ka heli kartaa  istareex, bad qab iyo xasilooni.
  10. Cibaado iyo Dikriga Alle: Waa qodobka ugu muhiimsan waana Qodobadka saldhigga u ah dhammaan qodobada aan so sheeganay, waxaana saldhig u ah in la badiyo cibaadada oo Allaha subxaanahu watacaala loo dhawaado mar walibana digriga alle iyo xuskiis la badiyo. Qur’aan akhriska iyo salaadaha oo la badiyo ayaa la ogaaday in uu yahay qodobka ugu muhiimsan ee qulubka iyo werwerka nafsaaniga ah lagula tacaalo, waana cuntada ruuxda lagu kobciyo dikrigu.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here