Tel Aviv, August 19, 2020- (Foore)- Waddamada Baxrayn, Suudaan iyo Cummaan ayey u badan tahay in ay noqdaan waddamada ku xiga Imaaraadka Carabta ee xidhiidh toos ah la sameysanaya waddanka Yuhuudda, waxaana sidaas shaaca ka qaaday wasiirka sirdoonka Israel oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters kadib safar la sheegay in uu ku yimid magaalada Abu Dabay ee Caasimadda waddanka Isu Tagga Imaaraadka Carabta.
“Heshiiska aan la galnay Imaaraadka kadib waxaa imaan doona heshiisyo kale, waxayna ka iman doonaan dalal kale oo ku yaalla gacanka carbeed iyo wadamada muslimka ah ee Africa,” ayuu yidhi Eli Cohen.
“Waxaan u malaynayaa in Baxrayn iyo Cummaan ay ajandaha ku jiraan. Waxaa jira fursad sannadka soo socda aan heshiis kula saxiixan doonno wadamo ku yaalla Africa, oo ay ugu horeyso Suudan,” ayuu hadalkiisa ku daray. waddamada Baxrayn iyo Cummaan ayaa ammaanay heshiiska ay gaadheen Imaaraadka Carabta iyo Israel, inkastoo aanay labadoona midna ka hadlin in ay dib usoo celin doonaan xidhiidhkoodii Israel.
Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa la kulmay hogaamiyeyasha waddanmada Suudaan iyo Cummaan labadii sano ee lasoo dhaafay taasi oo lagu naaqishay xidhiidh dhex mara dalalkaasi.
Sarkaal sare oo Maraykan ah ayaa Jimcihii sheegay in Aqalka Cad uu xidhiidh la sameeyay dalal badan oo gobolka ku yaalla si uu u eego haddii xidhiidho badan ay la abuuri karaan Israel.
Sarkaalka oo diiday in uu magacaabo waddamada ayaa tilmaamay in ay yihiin dalal carbeed iyo kuwo muslim ah oo ku yaala Bariga Dhexe iyo Africa.
Waddanka Baxrayn ayaa oo xulufo dhow la ah wadamada Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa sarkaal sare oo Israel u dhashay ku casuuntay shir amni oo la qabtay 2019-kii iyo sidoo kale shir uu Maraykanku hormuud ka ahaa oo ku saabnaa kordhinta dhaqaalaha Falastiin.
Ilo-wareedyo ka tirsan Dowladda Kuwait ayaa sheegay in halka ay dowladoodu ka taagantahay Israel aanay isbedelin, islamarkana ay noqon doonto waddanka ugu dambeeya ee xidhiidh la yeesha Israel.