Sallaxlay, August 17, 2020- (Foore) – Rabshado ayaa hadhayeeyay Shalay Magalaada Salaxlay ee Xarunta Degmada Salaxlay oo ka tirsan Gobolka Maroodi Jeex, kadib markii ay isku dhaceen Ciidamo aad u hubaysan oo Hargeysa ka tagay iyo Dad shacab ah oo diidanaa in Hargeysa loo soo qaado afar dhalinyaro ah oo la sheegay in loo xidhay tuhuno ku saabsan Maryo Hudhaydh ah oo la sheegay in lagu caawiyay dadkii waxyeeladu kasoo gaadhay roobab duufaano wata oo deegaanka ka da’ay.
Illo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo Wargeysa Foore soo gaadhay ayaa noo xaqiijiyay in Dadweyne gadoodsani ay shalay weerareen Saldhigga Booliiska Degmada Salaxlay kadib markii ay Halkaasi gaadheen Ciidamo gaar ah oo loogu talo galay inay Hargeysa u soo qaadaan Afar Maxbuus oo la sheegay in loo xidhay maryo halkaasi lagu gubay. Dadka deegaanka oo aan la xidhiidhnay ayaa noo sheegay in Dad weynahaasi gadoodsanaa iyo Ciidanku wakhti saacad badhkeed ah isku haysteen saldhigga hortiisa, islamarkaana ay ciidanku u isticmaaleen rasaas badan taasi oo ay ku kala eryeen dadkii gadoodsanaa.
Dadkan shacabka ah ayaa diidanaa in afartaasi maxbuus loo soo qaado Hargeysa, waxaanay dhagax ku weerareen Saldhiga booliiska Degmada iyo ciidankii Hargeysa ka tagay, iyadoo markii dambe ay Ciidankaasi ku guulaysteen inay afartii Maxbuus xoog ku soo qaataan, islamarkaana Hargeysa usoo dhaadhiciyaan. Majiro war rasmi ah oo arintani ku saabsan oo kasoo baxay Hay’addaha ay khusayso balse dadka deegaanka ayaa ku andacoonaya inay saluugeen Maryaha loo keenay oo aanay ahayn wixii ay ka sugayeen Xukuumadda.
Qaar ka mid ah dadkii mudaharaadka samaynayay oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa ka mid ahaa hadaladooda “Dawladdii dhamayd ee aanu gargaarka ka eegaynay ayaa noo keentay Bundaad Hudhaydh ah iyo Rufucyo, markaa dadweynuhu waxay diidan yihiin arintaasi”.
Dhinaca kale, lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay isku dhacaasi Booliiska iyo dadka mudaharaadayay ee Reer Salaxlay.
Magacyada kooxda lagu soo qabqabtay Mudaharaadkan ayaa kala ah: Buraale IImaan Cabdulle, Maxamed Daa’uud Cabdillaahi, Najax Maxamuud Baddal, Muxiyaddiin Cabdllaahi Gurey.
Xaaladda Magaalada ayaa imika degan kadib rabshadihii shalay halkaasi ka dhacay waxaanay xaaladdu imika tahay mid sugan.