Hadalkii Xildhibaan Nacnac Ee Somaliland Ugu Baaqayay Aqoonsiga Israel Oo Doodo Dhaliyay

0
545

Hargeysa, August 17, 2020- (Foore)- Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ka mid ah Golaha Wakiillada Somaliland ayaa sheegay in loo baahan yahay in la gaadhay wakhtigii ay Jamhuuriyadda Somaliland dal gaar ah uu jiritaankiisa leh u aqoonsan lahayd waddanka Israel oo muddooyinkii dambe xidhiidho kala duwan la yeelanayay qaar ka mid ah dalalka Carabta oo uu ugu dambeeyey waddanka Isu Tagga Imaaraadka Carabta oo ay wada yeesheen Tel Aviv xidhiidh ballaadhan oo lagu tilmaamay mid isku soo dhawaansho iyo nabad galyo taasi oo uu xildhibaan Nacnac isna sheegay in ay maslaxad weyn ugu jirto Somaliland in ay xidhiidh la yeelato dalka Israel.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo shalay saxaafadda kula hadlay caasimadda Hargeysa ayaa waxa uu yidhi: “Waxa loo baahan yahay haddii aynu Somaliland nahay in aynu aqoonsi siino waddanka Israel. Innagu isku diinna ma nihin oo Ilaahayba waa ka sheegay ee yidhi idinkuna diintiina haysta iyaguna diintooda ha haystaan. Carabtiiba waa kuwaa wada aqoonsaday. Aynu ictiraafno Israel markaasi iyaguna way inna ictiraafi doonaan. Adeer innagu islaambaynu nahay iyaguna waa Yuhuud. Kuwii Islaamka ugu waaweynaa ayaa ictiraafay ee maxaa innaga innoo diidaya. Imaaraadka ayaa ictiraafay, Sucuudiga ayaa ictiraafay. Innagu waxba u gaysan mayno iyaguna waxba innoo gaysan maayaan. Waxaannu rabnaa in ay iyaguna qiraan in aannu nahay dawlad Somaliland la yidhaa. Innaguna waxaynu aqoonsanaynaa inay yihiin dawlad Israel ah. Berigii Somaliland xorriyadda qaadatay Israel waxa ay ahayd dawladdii ugu horraysay ee aqoonsi siisay Somaliland. Yuhuuddu dadka Yuhuudnimadooda fara galiya ayay u xun yihiin ee innaguna faro galin mayno oo tii Ilaahay baynu haysannaa oo ah Lakun Diinuku Waliya Diin” ayuu hadalkiisa ku soo gabogabeeyey Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ka mid ah xildhibaannada laga soo doorto Magaalada Hargeysa.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ka mid ah xildhibaannada hadalka cad ee inta badan ka hadla qaddiyadda Somaliland ayaa hadalkiisan ugu dambeeyey waxa uu baraha Bulshada ka dhaliyay doodo badan oo la xidhiidha qaddiyadda aqoonsiga Israel oo maalmihii ugu dambeeey dhinaca dalalka Islaamka si weyn ooga hadal hayo. Dad badan ayaa xildhibaanka ku dhaliilay arrintan uu ku baaqay halka kuwo badan oo kale ay ku bogaadiyeen maadaama ay jiraan waddamo badan oo islaam ah oo xidhiidh la leh Israel, taasina tahay arrin aan wax gaar ah u keenayn Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here