Hargeysa, August 12, 2020- (Foore)- Agaasimaha Fulinta Dalladda Ururrada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO Md. Cabdixamiid Maxamed Cumar oo khudbad ka jeediyay Xuska Maalinta Dhallinyaradada Adduunka ee 12-ka Ogos oo sannad walba dunida guudkeeda laga xuso, doorkanna ay si gaar ah u weynaysay dalladda SONYO ayaa sheegay in dhallinyarada Somaliland ay duroofo gaar ahi ku gedaaman yihiin sida shaqo la’aanta, balwadaha, iyo guud ahaan xaalado badan kuwaasi oo wax bandanna laga qabtay xaaladda dhallinyarada, wax badan oo kalena laga sii qaban doono isaga oo Dhallinyarada ku guubaabiyay in ay hannaan dad iyo dal jacayl ku dhisan qarankooda ugu shaqeeyaan iyaguna isku garabsadaan oo gacmaha isku qabsadaan sidii ay qarankooda u gaadhsiin lahaayeen Horumar ballaadhan.
Agaasime Cabdixamiid Maxamed Cumar waxa uu khudbaddiisa diiraadda ku saaran dardaarano uu u kala diray guud ahaan dhallinyarada reer Somaliland ee dalka iyo dunida kaleba meel kasta oo ay dunida kaga sugan yihin isaga oo ku dhiirri galiyay in ay isku duubnidooda iyo qaranimadooda ilaashadaan halka uu ugu baqay cid kasta oo ay khusaysaa in ay dhallinyarada ku garab galaan sidii ay caqabadaha hor taagan uga gudbi lahaayeen waddankoodana wax ugu qaban lahaayeen.
Agaasimaha oo arrimahaasi hadlayaa waxa uu yidhi: “Maanta waxa aynu xusaynaa Xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka oo sannad walba dunida guudkeeda laga xuso Bishan Ogos 12-keeda. Sidaa darteed Innaga oo Muujinayna doorkeenna aynu ku leenahay xuskan iyo in aan si weyn u soo ban dhigno codka Dhallinyarada Somaliland oo ay nagala soo shaqeeyeen isutagga Midawga Dan-Guud oo ay ku bahoobeen Ururro Bulsho oo qaarkood ka tirsan yihiin dalladda SONYO, waxa sharaf noo ah sida aad noogala soo qayb gasheen weynaynta maalintan, haddii aad tihiin madaxda qaranka, Hay’adaha caalamiga ah, kuwa maxalliga ah, shirkadaha dalka iyo qaybaha kala duwan ee dhallinyarada dalkeenna.
Halku-dhigga aannu sannadkan u qaadanay Xuska Maalinta Dhallinyarada Somaliland waxa weeyi “DHALLINTAA FIRFIRCOONE TALADIINA U DHIIBTA” oo ah farriin macno badan xambaarsan. Maanta waxa aynu xusaynaa maalinta Aqlabiyadda Bulshada maadaama oo ay dhallinyaradu ka mid yihiin tirada ugu badan shacabka reer Somaliland oo qiyaasaha qaarkood sheegaan in Dhallinyaradu Bulshada ka yihiin 75%. Waa maalintoodii. Waxa aynu gaar ahaan u leenahay maalin qaran oo aynu xusno dhallinyarada Somaliland oo ah 20-ka February. Tanina waa maalintii aynu adduunyada la wadaagaynay.
Dhallinyarada Somaliland waxa aan ugu baaqayaa in aad tihiin inta ugu muhiimsan Bulshada. Waddan aanay dhallinyaradiisu u kicin oo aanay u dadaalin ma hano qaado adduunyadana kama tagaan raad lagu majeerto. Dhallinyaradu waa in ay damacooda siyaasiga ah iyo kooda shaqo doon iyo dhammaanba hammiyada badan ee ay leeyihiin waa in ay ku garab wadaan oo ku labeeyaan hammiga dhismaha qarankooda. Waa in ay noqdaan kuwo waddaniyiin ah oo dalkooda dhisa. Waa in ay hadh iyo habeen u taagnaadaan in ay masuuliyadda kala wareegaan intooda meel wanaagsan soo gaadhsiisay ee ka waaweyn. Waxa aynu madashan ugu talo galnay in aynu isku waydaarsanno afkaar iyo aaraa’ badan oo wax dhisaya. Waxa laga hadli doonaa siyaasadaha saamaynta ku leh dhallinyarada sida siyaasadda heer qaran ee Layli-Shaqo (National Internship Policy), Siyaasadda Heer Qaran ee Dhallinyarada (National Youth Policy) iyo arrimo badan oo kale oo khuseeya dhallinyarada reer Somaliland. Wasaaradaha ay khusayso ee aynu wada shaqaynta ka leenahay ayaa halkan innala jooga oo innala wadaagi doona halka ay siyaasadaasi marayaan. Waxa aynu wadaagi doonaa tix iyo tiraabba wixii guubaabo ah ee la xidhiidha sidii aynu dhallinyarada Somaliland hore ugu marin lahayn. Maadaama ay yihiin cududdii dalkeena waxa waajib ah in aynu dhallinyaro haddii aynu nahay dadaalka laban laabno oo doorkeena ka soo baxno”. Ayuu yidhi Agaasimaha Fulinta Dalladda Ururrada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO.
Daawo Sawirrada: