Khudbaddii Guddoomiyaha Dalladda SONYO Maanta Ka Jeediyay Xuska Maalinta Dallinyarada Adduunka Oo Hargeysa Lagu Qabtay

0
1015

Hargeysa, August 12, 2020- (Foore)- Guddoomiyaha Dalladda Heer Qaran ee Ururrada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO Md. Cabdicasiis Maxamed Jaamac ayaa dhallinyarada reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba ku bogaadiyay xuska maalinta Dhallinyarada Adduunka isaga oo sheegay in dhallinyarada Somaliland maanta muujiyeen dadaal weyn oo ay ku hanan karaan wax u qabashada iyo u shaqaynta qarankooda isaga oo Guddoomiyuhu ku guubaabiyey Dhallinyarada in ay la yimaaddaan waddaniyad, dal jacayl iyo ka go’naansho la xidhiidha sidii ay fadhiga uga kici lahaayeen oo dadkooda iyo dalkooda ugu shaqayn lahaayeen.

Guddoomiye Cabdicasiis Maxamed Jaamac oo ka hadlayay Xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka ee 12-ka Ogos oo xus layaab leh oo ballaadhan maanta loogu sameeyey Huteel Ambasaddor ee Caasimadda Hargeysa ayaa xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ku bogaadiyay doorka ay siisay Dhallinyarada iyo sida ay dhallinyaradu maanta ugu muuqdaan kuwo garwaaqsaday in ay maanta ku habboon tahay in ay noqdaan cududdii iyo xooggii Mustaqbal ee lagu tilmaami jiray halka uu sidoo kale Guddoomiye Cabdicasiis Maxamed Jaamac Xisbiyada qaranka Somaliland ugu baaqay in ay doorashooyinka innagu soo aaddan u soo xulaan dhallinyaro qiyam, diin iyo aqoon leh si ay dalka ugu shaqeeyaan horumarna u gaadhsiiyaan.

Khudbad dhinacyo badan taabanaysay oo Guddoomiyaha Dalladda SONYO ka soo jeediyay kulankii maanta lagu xusayay xuska maalinta dhallinyarada Adduunka oo ay soo qaban qaabiyeen SONYO iyaga oo kaashanaya Dan-Guud Consortium ayaa waxa uu ku yidhi khudbaddiisa sidan:

“Maanta waxa aynu halkan u joognaa in aynu xusno xuska maalinta Dhallinyarada Adduunka oo ku beegan 12-ka August oo sannad walba dunida guudkeeda laga xuso maalintan oo kale. Xuska maalintan waxa sharciyeeyey Qaramada Midoobay sannadkii 1999-kii kadib markii la isla qaatay muhiimadda in dhallinyarada loo asteeyo maalin ay codkooda ku muujiyaan waxna la iska waydiiyo arrimaha la xidhiidha xaaladda dhallinyarada adduunka sidaasi ayuu dal walibana ku xusaa. Kasoo qaybgalkiinu waa noo muhiim iyada oo aanay SONYO oo kali ahi maalintan soo qaban qaabin ee ay nala wadaagaan Ururro iyo hay’ado badan oo door weyn ku leh xuska maalintan qiimaha badan.

Dhallinyaradu waa cududdda iyo xoogga waddan kastaa leeyahay ee ku faano. Waana kuwa dalkoodaasi qaabeeya ee noloshiisa wax ka baddala. Dhallinyarada Somaliland marxalado kala duwan ayay soo martay waana tirada ugu badan shacabka oo qiyaas ahaan la sheego in ay dhan yihiin in ka badan 75%. Sidaa darteed haddii ay dhallinyaradu xaddiga intaa le’eg ka yihiin Bulshada, waxaad garanaysaa cududdooda iyo sida loogu baahan yahay in la garab galo oo lagu garab istaago sidii ay qarankooda doorka ay ku leeyihiin u qaadan lahaayeen.

Xaqiiqadu waxa ay tahay haddii ay dhallinyarada Somaliland ahaayeen Mustaqbalka Berri, maanta waxa aanu leenahay waa xooggii maanta iyo cududdii maanta qarankani u baahnaa. Dhallinyarada waxa looga baahan yahay in ay dadaalaan. Waxa looga baahan yahay in ay dareemaan culayska saaran ee qarankoodu maanta uga baahan yahay taasi oo ah masuuliyad culus oo ay mudan tahay in ay ku baraarugsanaadaan. In qarankan Somaliland yeesho Mustaqbal iyo maalmo wanaagsan oo soo socda waxa ay ku xidhan tahay sida ay maanta u shaqeeyaan, wax u qabsadaan una hagar baxaan dhallinyaradiisu. Ma jirto cid kale oo uu dalkani sugayaa.

Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa ku jirta dhallinyaro badan oo uu xilal u magacaabay. Waxaad aragtaan Agaasimayaal badan oo dhallinyaro ah. Arrintaa Madaxweynaha runtii waanu ku hambalyaynaynaa waanan soo dhawaynaynaa in uu dhallinyaro badan ku aamminay in ay wasaaradaha, hay’adaha iyo xafiisyada qaranka hogaamiyaan. Sidaa Wasiir Saleebaan Cali Koore sheegay wakhtiyadii hore waxa dalka soo maray in ay dadka waaweyn oo kali ahi xilalka qaranka qaban jireen, waxaana dhallinyarada lagu dhaafi jiray ‘Xoogga Barri Baad Tihiin’ maantase wax badan baa is baddalay. Waa wax lagu farxo in ay maanta dhallinyaradu yihiin kuwa talada dalka hogaaminaya ee jaan goynaya siyaasadda iyo hawlaha qaranka lagu jaan goynayo.

Dhinaca kale waxaan fursaddan maanta uga faa’iidaysanayaa in aan wax ka idhaa in ay innagu soo dhaw yihiin doorashooyinkii qaranka ee Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilladu. Saddexda xisbi qaran waxaanu cod dheer ugu sheegaynaa in ay qaranka doorkan u soo xulaan dhallinyaro tayo leh, diin, dhaqan iyo aqoonba ku gaashaaman si ay qarankooda tacab midho dhal ah u galiyaan oo horumarkiisa ka shaqeeyaan dibna aynaan u caban. Iyaguna waa dhallinyarada’e marka ay soo baxaan waa in ay noqdaan dad qiyam leh, Aragti leh, diin leh oo waddankooda lexejeclo ka qaba. Waxa aan xisbiyada mar labaad ka codsanayaa in ay door muuqda siiyaan dhallinyaro xul ah oo ku gaashaaman astaamahaasi aan soo sheegnay oo wax badan dalkeenna qurxin doona iyada oo aynu la dagaalamayno qabyaaladda iyo wax kasta oo qarankan dib u dhac ku ah”.

“Ugu dambayn aan halkan hambalyo uga diro Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo muddooyinkan dambe la wada arkayo dadaalka iyo dhaqaaqa ay samaysay ee la xidhiidha dadaallada diblomasiyadeed iyo xidhiidhada badan ee ay Somaliland ku soo jiidanayso saaxiibada dunida oo ah dalal badan. Waynu ognahay in dad dhallinyaro ah la magacaabay oo arrimahaasi dadaal ka gaysan karaan iyada oo aan ognahay in ay arrintan ka soo shaqeeyeen dad dhallinyaro ah oo muwaadiniin ahi taasina waa wax lagu farxo”. Ayuu yidhi Guddoomiye Cabdicasiis Maxamed Jaamac.

Daawo Sawirrada:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here