Wararkii Ugu Dambeeyey Roobab Dabaylo Wata Oo Khasaare Gaadhsiiyay Degmada Sallaxlay

0
648
Sallaxley, August 11, 2020- (Foore)- Roob xoogan oo dabayl wata ayaa Galabta ka da’ay Degmadda Sallaxley oo ka mid ah degmooyinka Gobolka Maroodi Jeex kaas oo Khasaare kala duwan gaadhsiiyey Goobo dawladeed iyo Guryo dadweyne oo Ku yaalla Magaaladda Sallaxley.
Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Jaamac Xaaji Axmed oo Khadka Telefoonka ugu waramay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA ayaa sheegay in Roobkan dabaysha watay uu khasaare soo gaadhsiiyey Dugsigii Sare ee Degmadda, Kii Hoose dhexe ,Cisbitaalkii iyo Guryo badan oo dadweynuhu leeyihiin iyo Weliba Xarunta dawladda hoose ee degmadda sallaxley.
Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex waxaa kale oo uu sheegay in hal qof oo dumar ahi ay Kooma gashay kadib markii uu ku soo dumay Dhismaha Cisbitaalka degmadu iyadoo laga saaray bukaanadii ku jiray Cisbitaalka degmadda Sallaxley.
khasaaraha roobabkan ayaan wali tirokoob rasmi ah lagu samayn kuwaasi oo Sallaxlay iyo deegaamo kale oo ka tirsan Gobolka Maroodi Jeex saamayn ku yeeshay tan iyo galabta oo ay ka da’ayeen.
Wixii warar ah ee ka soo kordha khasaaraha uu keenay roobkan dabaylaha watay kala soco shabakadda wararka Wargeyska FOOE.
 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here