DPWorld Oo Si Rasmi Ah U Shaacisay Halka Ay U Marayso Hawsha Ballaadhinta Dekedda Berbera

0
587
Dubai, August 11, 2020- (Foore)- Shirkadda DP-world ee gacanta ku haysa ballaadhinta Marsada Magaalada Berbera ayaa sheegtay inay dhammaystirtay 400 oo mitir oo qeyb ka ah ballaadhinta dhismaha dekedda magaalada Berbera ee Somaliland, sida ay ku shaacisay barteeda ay ku leedahay Twitterka.

DP-world waxay tilmaamtay in dhismahaan cusub uu qeyb ka qaadan doono korodhka awoodda marinka dekeda Berbera, islamarkaana la gaadhidoono in ay dekeddu xammili karto culays dhan 500,000 Konteenar sannadkiiba.

Shirkaddan caalamiga ah ee laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabtu Waxay kaloo sheegtay inay sii xoojin doonto magaalada Berbera si ay u noqoto xarun ganacsi oo weyn oo gobolka Geeska Afrika ka adeegato.

Shirkadda DP-world ayaa si rasmi ah ula wareegtay maamulka dekedda Berbera taariikhdu markay ahayd 11-kii Bishii May sannadkii 2017.

Muddo 30 sano ayay heshiis kala gashay Somaliland inay maamusho dekeda Berbera, waxayna taas beddelkeeda bixindoonta boqolaal million oo dollar oo ay dekedda ku maalgalindoonto.

Tan iyo muddooyinkii ugu dambeeyey oo hawl culusi ka socotay Dekedda Berbera waa markii ugu horraysay ee shirkadda DP World ay si rasmi ah hadal uga soo saarto halka uu u marayo Mashruucani.
Farriinta DP World ee Twitter-ka: 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here