Daawo Qaabkii Donald Trump Loola Baxsaday Isaga Oo Fagaare Hadal Ka Jeedinaya

0
635

Pennsylvania, August 11, 2020- (Foore)- Ilaalada Gaarka ah ee Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa si kedis ah ula baxsaday Madaxweynaha oo shir jaraa’id kula hadlayay warbaahinta kadib markii sirdoonka Aqalka cad ee Maraykanku ay ogaadeen in qof lagu toogtay meel u dhaw fagaaraha uu ka hadlayay Madaxweyne Trump.

Madaxwenaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in qof lagu toogtay goob u dhow goobta uu ku sugnaa ee Mareykanka, kaddib markii uu ka baxay shir jaraa’id. Mr Trump ayaa weriyeyaasha u sheegay “iney u muuqato in haatan xaaladda la xakameeyay”.

Trump ayaa shirka jaraa’id lagala cararay markii ay arrintaasi dhacday balse wax yar kaddib ayaa dib loogu soo celiyay goobta oo uu kasoo muuqday kaddib markii mid ka mid ah ilaaladiisa uu goobta shirka jaraa’id ku soo hogamiyay.

Waxaa la maqlayay Trump oo odhanaya “Oh!” “Maxaa dhacaya” markii uu ka sii dhaadhacayay qolka shirka jaraa’id.

Madaxweynaha oo ku guda jira shirka jaraa’id ayaa waxaa ka soo dhex-galay mid ka mid ilaaladiisa, waxa uuna dhagta ugu sheegay dhacdada iyo in uu meesha ka dhaqaaqo sidaasi ayaanu yeelay oo waxa loogu hogaamiyay goobta gudaha aqalka uu ka hadlayay.

Markii uu dib u soo laabtay sagaal daqiiqo kaddib, madaxweynaha ayaa weriyeyaasha u sheegay inuu aaminsan yahay in ilaalada qarsoon ay toogteen qof hubeysnaa oo laga shakiyay. Waxa uu sheegay in qof Cisbitaalka la geeyay dhacdada kadib.

Mr Trump ayaa garwaaqsaday inay ahayd xaalad aan caadi ahayn, balse waxa uu ammaan kala dul-dhacay ciidamada ilaalada ee qarsoon.

Dhanka kale ciidammada qarsoon ayaa sheegay iney xaqiijiyeen in mid ciidammadooda ka tirsan uu qof ku toogtay waddada 17-naad iyo aagga Pennsylvania.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here