Hargeysa, August 10, 2020 (Foore) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay kulan Magaalada Hargeysa dhawaan ku dhex maray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti sare ah oo ka socday Dalka Shiinaha.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland Liibaan Yuusuf, ayaa sheegay weftiga Shiinaha ka socday inay Somaliland kala hadleen arrimo khuseeya dhaqaalaha iyo arrimo kale oo aan la carabaabin.
Waxaa uu wasiir ku xigeenku ka gaabsaday inuu ka hadlo in socdaalka wafdiga China uu qeyb ka yahay, sidii Somaliland uga noqon lahayd xidhiidhka ay la leedahay Taiwan oo ah dal madax bannaan balse ay sheegato jamhuuriyadda shacabka Shiinuhu.
Maalin ka hor Taiwan ayaa soo dhoweysay Ambasador Maxamed Xaaji oo ah wakiilka cusub ee Somaliland usoo magacowday dalkaasi Taiwan, iyadoo arrintani qeyb ka tahay xidhiidhka cusub ee dhawaan u bilowday Hargeysa iyo Taipei.