Kismaayo, August 10, 2020- (Foore) – Golaha Wasiirrada Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Jubbaland ayaa waxa lagu soo rogay amar sharci oo nidaamkiisa oo kale ku cusub yahay Wasiirrada Maamul Goboleedyada waddanka Soomaaliya kaasi oo ah nidaam dhinaca sharciga ah.
War kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha Guud ee maamul Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa Golaha wasiirrada ee dowlad Goboleedkaas lagu amray in wasaarad kasta oo heshiis la galeysa cid kale, in nuqul kamid ah warqadaha la saxiixday la keeno xafiiskaas, si loo hubiyo inuu yahay mid sharci ah.
Xeer ilaaliyaha Jubaland ayaa sheegay in hadalkaas uu yahay mid sharci ah oo waafaqsan qodobka 64-aad ee dastuurka Jubaland.
Xeer ilaaliye Maxamed Shiikh Cismaan waxa uu intaa ku daray, in laga rabo Golaha wasiirrada in ay amarkaan dhaqan-geliyaan si loo xaqiijiyo ilaalinta hantida dadka iyo dowladda.
Hadalkaan ayaa waxa uu ka sheegay shir jaraa’id uu warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo.
Arrintaan ayaa dad badan waxay ku fasireen mid si gaar ah u saameyn doonta shaqada qaar kamid ah wasiirrada maamulkaas.