Algers, August 10, 2020- (fOORE)- Waddanka Aljeeriya oo ka mid ah dalalka Carbeed ee dhaca Woqooyiga Qaaradda Afrika ayaa waxa ay si weyn u bah dileen waddanka Soomaaliya oo ay ka dhigeen tusaale xun oo loo soo qaato burburka iyo qabaa’ilka hubaysan ee sababa dagaallada sokeeye. Tani waxa ay ka cadhaysiisay maamulka Madaxweyne Farmaajo ee Soomaaliya.
Milliteriga dalka Algeria ayaa waxay Digniintaasi ku sheegeen Qoraal lagu soo daabacay Majaladda ku hadasha Codka Milliteriga ee dalkaasi, waxaya tilmaameen haddii Qaba’illadda Libiya la hubeeyo xilligan inay taasi Libiya u rogi doonto waxa loogu yeedho Soomaaliyada Cusub “New Somalia” ama “صومال جديد”
Maqaalkaasi waxa Cinwaankiisa looga dhigay sidan: “Algeria waxay ka digaysaa “Soomaaliya Cusub” haddii la hubeeyo Qabaa’ilka Libiya. (الجزائر تحذر من “صومال جديد” في حال تسليح قبائل ليبية)
“Xaalladda cusub ee haatan ka jirta dhulka Libiya waxay khatar badan tahay sida uu qof kasta qiyaasi karo, iyadoo waxyeelladda ka dhalan karta dagaal u qorsheysan dhinacyada ku lugta leh Colaadda Libiya saamayn xooggan ku yeelan karto dalalka Mandiqadda” ayaa lagu yiri Qoraal lagu soo daabacay Majalladda Milliteriga Algeria ee Cadadkii soo baxay bishan aynu ku jirno ee August.
Majaalladdaasi Milatariga Aljeeriya soo saareen waxay kaloo hoosta ka xariiqday Muhiimadda ay leedahay inay Xal Siyaasadeed gaadhaan Dhinacyada ku dagaalamaya dalkaasi, iyagoo u maraya dariiqa Wada-xaajoodka haddii kale dalka Liibiya uu noqon doono sida Soomaaliya ama Soomaaliya cusub oo kale.
Dalka Algeria waxay Libiya la wadaagaan Xuduud dhererkiisu dhan yahay Kun Kiilomitir, isla markaana waxaa labada dal ka dhaxeeya Xidhiidh Taariikhi ah, inkastoo haatan laga cabsi qabo inuu dagaalka Libiya waxyeello gaadhsiiyo dalkaasi Aljeeriya oo dhibaatada dagaalladu soo gaadho.
Dhinaca kale, Majalladda ku hadasha Codka Milliteriga ee dalka Algeria waxay mar kale ku celisay Digniintii uu Madaxweynaha dalkaasi, C/majiid Teboone ku sheegay in dalka Libiya la mid noqon doono Soomaalidda Cusub, isagoo xaalladda haatan ee Libiya barbar dhigay Colaadihii sokeeye ee Soomaaliya ka bilawday tan iyo sannadkii 1991-kii.
Badhtamihii bishii la soo dhaafay ee July, waxa uu Madaxweynaha dalka Masar, C/Fataax Alsisi waxa uu la kumay Hoggaamiyayaal Dhaqameed ka socda qaar ka mid ah Qabaa’illada ku nool Bariga dalka Libiya, isagoo ku booriyey inay Dhallinyaradu hubka qaataan, kuna biiraan Ciiddanka Khaliifa Xaftar ee dagaalka kula jira Dowladda Liibiya ee ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay.
Sidoo kale, Odayaasha Qabaa’illadda ee la kulmay Madaxweyne Alsisi waxay codsadeen inay Milliteriga Masar faragelin ku sameeyaan Liibiya, si ay u badbaadiyaan Madax-bannaanida dalkaasi.
marar hore waxa sidan oo Kale Soomaaliya tusaale xun ugu soo qaatay madaxweynayaal kala duwan oo ay ka mid yihin Donald Trump, Yuweri Musaveni, Cabdimajiid Teboone oo ALjeeriya ah iyo taliyahan ugu dambeeyey ee ciidamada Aljeeriya. waxaana marar hore dhacday in xukuumadda Soomaaliya ay ka xumaatay tusaalaha xun ee mar walba beesha caalamku ay Soomaaliya ugu soo qaadanayso dal fashilmay oo dagaalo ragaadiyeen.