Koox Budhcad Ah Oo Weerar Ku Qaaday Xawaalad Ku Taalla Magaalada Garoowe

0
603

Garoowe, August 10, 2020 (CE) – Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland waxaa ka bilowday muddooyinkii ugu dambeeyey kooxo budhcad hubaysan ah oo dhac ugeysanayay xawaaladaha kuyaala magaalada Garowe ee caasimadda Puntand. waxaanu weerarkii ugu dambeeyey lagu Bartilmaameedsaday Xawaalad lacagaha ka shaqaysa oo ku taalla caasimadda Maamulka Puntland ee Garoowe.
shalay koox budhcad hubaysan ah ayaa dhacay xawaaladda Iftin qeybteeda Garowe, iyagoo ka qaatay lacag lagu qiysaay ku dhawaad shan kun oo doollar, sida uu Warbaahinta Garoowe u sheegay masuul ka tirsan maamulka magaalada Garoowe.

Waa markii labaad oo budhcad dhac u geystaan xawaaladaha ku yaalla Puntland, dhowr bilood ka hor ayay ahayd markii sidan oo kale koox Budhcad ah oo hubaysani ay dhac u geysteen shirkadda Somtel qeybteeda Garoowe.

Weli maamulka Puntland ma qaadin tallaabo wax lagaga qabanayo budhcadda boobka u gaystay shirkaddaha xawaaladaha.

Arrintani waxay keentay in shirkaddo isgaadhsiineed iyo kuwo xawaaladdeed oo habeenkii shaqayn jiray albaabada loo laabo kadib markii ay soo wajahday cabsi ku aadan in dhac loo geystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here