Diyaaradaha duqeymaha fuliyay ayaa bartilmaameedsaday deegaanka lagu magacaabo Hawaay, waxayna ciidamada dowladda Soomaaliya sheegeen in lagu dilay sarkaal sare oo Al-shabaab ah, iyagoo tilmaamay in lagu magacaabi jiray Daahir Macallin iyo xubno kale oo la socday.
Dhinaca kale waxay duqeyn diyaaradeed ka dhacday Sablaale oo ka tirsan Shabeellada hoose, saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sidoo kale sheegay in bartilmaameedku uu ahaa saraakiil Al-shabaab ka tirsan, waxayna intaa ku dareen in weerarkaas lagu dilay Axmed Nuur oo ah xubin sare oo Al-shabaab ah sida ay sheegeen.
Lama oga in duqeymahaas ay wax-yeello kasoo gaartay dad rayid ah, inta badanse duqeymaha ka dhaca koonfurta Soomaaliya waxay dhibaato kasoo gaartaa dadka rayidka ah, sida ay horay u sheegeen hay’adaha xuquuqda Aadanaha.
Dhinaca kale ma jirto illaa iyo hadda war kasoo baxay Al-shabaab oo ku saabsan duqeymahaas dhacay.